Monday, November 11, 2013

Maanso: Maxaa daal la korodhsaday! Cali Dhanaaniye


"Madaxweyne siilaanyo Dadku kuumuu dooran inaad talada dalka shaashaan ka ride inaad dimuqraadiyadda adkaysaa laguu doortay dunidana ka keento aqoonsi sal balaadhan…




Maansadan waxaan curiyey markii aan arkay xaalada dulaysa iyo siyaasada dawakhsan ee maalinkan maaanta dalku ku sugan yahay, waana wax aad iyo aad loola yaabo, xigmad soomaali ahbaa tidhaahda sac nin maaloo wayli nuugtoo naagi xigataa walee waa yaab, waan iska arkayey xukuumadda siilaanyo inay talad dalka adhaxda ka jebinayso oo ay halkaa aadka u liidato manta dhigi doonto. Shacabka S/land waxa ku dhacday Ayaan darro weyn maadaama oo kii ay doortaanba uu noocan yahay talada dalkana gaar loo yeelanayo… allah maxaa daal la korodhsaday!!!




 




 




 




Markay dadku kuu kaceen




 




Durbaanadda kuu tumeen




 




Dartaa hurdadii naceen




 




Dagaal culus kuu galeen




 




Duunyada maalkii hureen




 




Dartaa u hogaansameen




 




Dedaal kula garabsocdeen




 




Dad aan cishadaa qadayn




 




Dad aan dabka llogu shubin




 




Waxay kuugu daalayeeb




 




Daway kaa filanayeen




 




Nin door beri loo irkado




 




Rajadii daacaday qabeen




 




Ninkii sidan doonayee




 




Af beena ku doodayee




 




Samaha dabin gelinayow




 




Ninkii runta diidayee




 




Riyada daahsaarayee




 




Cid gaara danaynayoow




 




Dadkani sidan kuma heshiin




 




Xil daacada bay rabaan




 




Nimaan daalinbay rabaan




 




Dantooda waday rabaan




 




Dal loo siman yay rabaan




 




Dariiqa san bay rabaan




 




Duug iyo taariikh hadhiyo




 




Waxqabad dooray rabaan




 




Sansaanka dulaysanee




 




Dad sheegani ay  wataan




 




Dadkeenu umuu codayn




 




Manay rabin daalin kale




 




Siyaad dabadii bulshadu




 




Diyaar dhib umay ahayn!!!




 




Dhammaad




 




Abwaan Cali Dhanaaniye




 




dhanaaniye@hotmail.com




 




dhanaaniye1@gmail.com