Monday, November 11, 2013

Berbera oo laga Qaxayo iyo Korantada oo la Bakhtiiyay


Berbera(GNA)-Roobab Mahiigaano ah ayaa ilaa xalay shantii Habeenimo ka da’ya Magaalada Berbera ee Xeebta ku taala.




Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa shalay gelinkii dambe Bulshada uga digay in 24-ka saacadood ee la soo socda ay Xeebta ku soo fool leeyihiin Roobab Dabeylo wata oo qayb ka ah duufaanta laga digayo Geeska Afrrika.




Roobabkan ayaa sababay hakad ku yimi dhaqdhaqaaqa Magaalada iyo Ganacsiga Caadiga ah, waxaana maanta gebi ahaanba aan wax shaqo ahi ka socon Dekedda Magaalada Berbera oo ah marsada ugu weyn somaliland ee Ganacsigu ka soo dego.




Boqolaal qof ayaa magaalada uga guuray Deegaamada ka baxsan iyo Caasimada hargeysa, mana jirto cid u soo gelaysa magaalada sidii hore looga bartay.




Deegaamada looga guuray saacadihii la soo dhaafay ilaa hada waxa ka mid ah Sheikh, Burco iyo Hargeysa, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.




“Xalay shantii siduu roobku noo qabsaday wali wuu na hayaa, magaaladana wax dhaqdhaqaaq ahi kama socdaan Ganacsigiibaa taagan, Dekeddu maanta may shaqayn, Korantadiibaa la gooyay, dadkuna way ka baxeen magaalada badankoodu”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid dadka Magaalada ku sii hadhay.




Maxamed Xasan oo isna ka mid ah bulshada reer Berbera ayaa sheegay “saaka wax ganacsi ah oo magaalada ka furmay wuu yaryahay, waxaanu hoosta kaga jirnaa guryihii xalay aanu seexanay”.




Saraakiisha Dawladda ayaa dadweynaha uga digay inay ku sii jiraan guryaha Duuga ah ama baaliga ah, waxaana lagu wargeliyay inay ka baxaan.




Doonyaha Badda ku jira ayaa iyagana looga digay biyaha ku sii jiraan, waxaana kaluumaysatada iyo dadka kale ee Badda gala looga digay inay khatar nololeed kala kulmi doonaan.




Dhinaca kale Roobab mahiigaan ah oo sababay barakac iyo cabsi ka jirta deegaannada qaar ayaa maalintii saddexaad ka da’aya qeybo ka mid ah gobolka Sool.




Siday faafisay shabakada Bar-kulan,roobabka  ayaan geysan khasaare inta la og yahay, hase yeeshee waxa  jirta cabsi ku aaddan waxyeello ka iman karta haddii ay sii socdaan ama ay yeeshaan dabaylo.




Deegaannada miyiga qaarkood oo u badan dooxooyinka iyo meelaha kale ee jooggoodu hooseeyo ayaa lagu soo warramayaa in ay dadku ka barakacayaan, si ay uga badbaadaan daadadka iyo dabaylaha laga baqayo.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com