Friday, November 15, 2013

Hurdo La´aanta oo Kordhisa Khatarta Kansarka ku Dhaca Xubinta Taranka Ragga.


(GNA) Daraasad caafimaad muddo shan sanno ah qaadatay, isla markaana ay sameyeen khubaro ka soo jeeda dalka Ingiriiska, ayaa shaacisay in hurdo la,aanta badan labanlaabto khatarta kansarka ku dhaca xubnaha taranka ee ragga.




 




Drs. Lara Sigurdardottir oo ka mid ah khubaradan, ayaa sheegtay in hurdo la,aanta ay caanka ku yihiin bulshooyinka horumaray cawaaqib xumo caafimaad leeyihiin.




 




Dumarka hurdo la,aantu ku dhacdo waxa haleela kansarka naasaha, balse kansarka ku dhaca xubnaha taranku wuxuu asiibaa oo uu labanlaabmaa ragga hurdadu ku




 




yaraato sida aannu cilmi-baadhistan caafimaad ku ogaannay,ayey tidhi Drs. Lara Sigurdardottir.




 




Dhakhaatiirtan daraasaddan fuliyey waxay baadhitaanno ku sameeyeen 2,000 nin oo da,doodu u dhexayso 67 ilaa 96 jir, kuwaasoo la weydiiyey in ay isticmaalaan kiniinada hurdada oo dhibaatooyinka ka haysata seexashada, waxaanay badankooda ka heeleen in hurdo yaraan haysa.




 




Dadka cilmi-baadhista ka qaybqaatay ayaa 5.7% ilaa 8.7% bilowgii hore laga waayey cudurka kansarka xubnaha taranka ku dhaca, balse shan sannadood  kadib waxa 6.4 % ragga ka mid ah la ogaaday inuu ku dhacay xannuunka kansarka xubnaha taranka (Prostate Cancer).




 




Kansarka qanjidhada taranka ku dhacaa waxa uu ka mid yahay cudurrada dhimashada ugu badan ku keena ragga, balse hurdo la,aantu waa arrin isaga keenta. Haddii natiijadayada la ansixiyo oo cilmi-baadhiso kale sidaa tilmamaan hurdadu waxay noqonaysaa mid ka mid ah waxyaabaha lagu yarayn karo cudurkan, ayey Drs. Sigurdardottir ku soo gunaanaday hadalkeeda.




 




Sannad kasta 40,000 nin ayaa dalka Ingiriiska laga helaa kansarka qanjidhada xubnaha taranka ku dhaca, halka 10,000 ka mid ah u dhintaan xannuunkaas.




Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com