“Khasaaraha Dagaal ka dhacay Gobolka Geddo iyo Askari Yugaadhiis Qaniinyo Mas u dhintay”
Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Dagaal maanta ka dhacay Deegaanka Ceelgaduud oo 45-KM dhanka Galbeed kaga aadan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Geddo, waxaanu dagaalku dhex maray Ciidamada dawladda oo garabsanaya Kenyaatiga iyo Alshabaab.
Lixda qof ee dhintay oo ka kala tirsan labada dhinac ee dagaalamay ayaa lagu soo waramay in afar ka mid ah laga dilay Al-shabaab.
Deegaamada lagu dagaalamay ayaa la sheegay inay fadhiisimo ku lahaayeen Xarakada Al-shabaab, waxaana weeraray ciidamada Dawladda iyo kuwa Kenya oo iska barbar dagaalamaya, sida ay goob-joogeyaal xaqiijiyeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Gaari Tigniko ah oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Mareegaha wararka ee u janjeedha dhanka Xarakada al-shabaab ayaa wariyay in Dagaalka geddo ka dhacay ay weerarka la lahaayeen Maleeshiyaadka ururkaasi, kuwaasoo weeraray Kolanyo gaadiidka gaashaaman ee Kenyaatiga ah oo maraya meel waddo ah.
Waxa kale oo ay wakaaladuhu sheegeen in Fadhiisimada AMISOM ee Gobolka Bay Askari Yuugaandhiisa ah Mas ku cunay, ka dibna uu dhintay.
Meydka askarigan ayaa laga dhoofiyay garoonka diyuuradaha Baydhabo waxaana loo qaaday dhanka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay Warantay Somali Memo.
Dhanka kale Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay Jasiirada Kudhaa ee gobolka jubadda hoose, ka dib markii ay Ciidamo ka amar qaataa Maanta oo Khamiis u ruqaansadeen deegaankaasi.
Wax dagaal ahi kama dhicin ayay warameen Alshabaab la wareegida deegaankaasi , ilaa hadana wax war ah kama soo bixin dawladda iyo Maamulka Jubbada hoose oo ka arriminayay halkaasi.
Xarakada Al-shabaab ayaa awood milateri ku leh Gobolka Shabeelada dhexe iyo deegaamo ka mid ah Goboladda Jubboyinka,halkaasoo ay dhawr jeer Dagaalo foolka fool ah iskaga horyimaadeen Huwanta AMISOM iyo Milateriga Dawladda.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com