Friday, November 15, 2013

Haweenka oo qosolka ka hela caafimaad


(GNA) Qosolka oo dadku aad ugu kalla badan yihiin ayaa dadka qosolka badan loogu yeedhaa naaneyso ay kamid yihiin Farxaan iyo qaar kalle oo lamid ah oo muujinaya inuu qofkaasi qosol badan yahay ama uu mar walba faraxsan yahay. Hadaba qosolka ayaa waxa dumarka u leeyahay faa’iidooyin badan.




 




Daraasado badan oo hore loo sameeyey ayaa sheegay in dumarka uu qosolku aad kor ugu qaado nafsadooda, laakiin hada badhitaan cusub oo la sameeyey ayaa lagu sheegay in qosolku uu sidoo kalle dejiyo caadaadiska dhiigga haweenka marka uu kacsan yahay.




 




Daraasadan oo natiijadeedii lagu qoray Bogga Health DVD News ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in baadhitan lagu sameeyey 79 dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 40 illaa 74 jir, kuwaas oo loo qeybiyey laba kooxood.




 




Daraasadan oo ay sameeyeen Khubaro Seynisyahano Reer Japan ah oo ka tirsan jaamacada University of  Osaka ayay ku sheegeen in haweenkii ka qeyb qaatay qeybtii qosolka in uu aad uga hooseeyey dhiigoodu kuwii aan iyagu qoslin ee tijaabadaa ka qeyb qaatay. Haweenkan ayaa markii hore lasii baadhay dhiigooda iyada oo uu aad u kacsanaa ka hor intii aanay tijaabadaa sameynin.




 




Dr. Erie Liguchi oo madax ka ahaa Seynisyahanadii daraasadaa sameeyey ayaa isaguna sheegay in maadada loo yaqaan ”cortisol” ay aad hoos ugu dhacday dumarkii qoslayey, halka kuwii kalle ay halkeedii tagnayd. Dr: Erie ayaa ugu danbaytii shegay in qosolku faa’iido weyn u leeyahay dumarka oo u dajiyo dhiigooda.




 




Dumarka oo qosolka uga faa,iideysta arimo badan ayaa tanina tahay faa’iido kalle oo ugu sii darsan tahay kuwii hore.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com