Tuesday, November 19, 2013

Hargeysa: Shan qof oo ku dhintay Shil Baabuur + Tacsi Madaxweyne


Hargeysa(GNA) ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay Shil Baabuur oo  galabta ka dhacay deegaanka Maqaaxida Inanta ee Galbeedka Hargeysa, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeen Gobanimonews.
Dadka dhintay oo aan wali tirooda la xaqiijin, balse shan ruux la xaqijiyay wax aka mid ah Maxamud Aw Siciid  Geedi oo ay walaalo yihiin ganacsadaha weyn ee Maxamed Aw-siciid iyo Nin kale oo Injineerada Somcable ka mid ahaa iyo dhawr qof oo kale.




sidoo kale waxa shilkaasi ku dhaawacmay dad gaadhay 14 ruux.
Ma cadda sababta dhalisay shilkaasi, balse waxa Meydadka dadka ku dhintay  iyo dhaawaciiba loo soo qaaday Cisbitaalka ee Hargeysa halkaas oo lagu daweynayo,sida ay warisay Waaheen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Bilayska Nabad-gelyadda waddooyinka oo la xidhiidha shilkan, balse saraakiil ka tirsan ayaa xaqiijyay in baadhis lagu waddo.
Dadka ku dhaawacmay shilkan waxa ka mid ah xubno ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda SOMCABLE, waxaana gaadhiga shilka galay leh Shirkadda Somcable.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay shilkan oo dhaawacyadooda culusyihiin ayaa la sheegay in loo qaaday dhinaca Dalka Jabuuti, si halkaasi loogu soo daaweeyo, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.




Tacsi Madaxweyne




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhamaan Tacsi ah u diray dadka shilkaasi ku dhintay, sida lagu sheegay qoraalka soo baxay Madaxtooyada.




waxaana lagu yidhi "Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.




ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.




 




Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi  uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo.




Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun"




Shilalka Gaadiidka ayaa ka mid ah waxyaabaha dhibatada ugu badan ku haya Bulshada Reer Somaliland.
Laba maalmood ka hor ayaa Magaalada Hargeysa lagu qabtay Xaflad balaadhan oo lagu xusay dadkii ku dhintay shilalkaasi.
Xafladaasi ayaa lagu soo bandhigay kumanaan qof oo waxyeelo ka soo gaadhay Shilalka Gaadiidka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com