Waxa aan soo bandhigi doonaa qormooyin taxane ah oo ka tarjumaya xaalada ay marayaan musuq-maasaqa iyo daryeel la’aanta shacabka hadhaysay.Sida caafimaadka iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay ay xadhkaha u goosteen,xukuumaduna ugu fashilantay xakamayntooda.
Aadamiga waxa ugu qaayaha badani waa naftiisa.Waana inuu helo wax-yaabaha aasaasiga u ah noloshiisa.Waxaana ugu horeeye caafimaad,biyo,nabad iyo waxbarasho.Hadii uu intaa heli waayo ma gaadhi karo himilooyinkiisa iyo hiigsiga nololeed.
Anigoo hor taagan waadh-ka jajabka ee cusbitaalka hargeysa ayaa waxa ka soo baxday islaan calaacalaysa oo leh(Tii Afweyne yaa noo soo celiya!).Intaan cadhooday ayaan si adag ugu idhi(Ma waxaad ka hadhay islaamahii durbaanka ka garaaci jiray “orientation centres-ka”waa maxay waxa aad ku hadlaysaa).Si degdeg ah oo cadho huwan ayay iigu tidhi(Hooyo maan ahayn kuwaad sheegayso ee meeshan laysku qalanayo ayaan ka calaacalayay oo aan lahaa, tii Afweyne shilin kamay qaadi jirin danyarta iyo shacabka guud ahaan-ba,lacag la’aan ayuu ahaa dhamaan cisbitaaladu,imikana maba haysano lacagta ay na waydiinayaan).Ma adigaa bukka Ayaan ku idhi,maya ee inan yar oo aan ayeeyo u ahay ayaa gacan ka jabtay,markaasay iiga dhaarteen inay kabaan inanta yar ilaa aan bixiyo $600!). Hadalkii iyadoo sii wadata ayaa waxay tidhi(Hadana maalin walba dawlada waxaanu ka maqalaa waxqabad ay ku faanayso mana aragno waxqabadka ay dhegaha nagu dilaacisay).Anigoo naxsan ayaan ka dhaqaaqay oo aan arrinkaan u socdayba liqay.
Horta innagama qarsoona inay cusbitaalada dawladu noqdeen kuwa ugu qaalisan,ugu nadaafada xun,uguna maamul mulaaqan.Markaynu is-barbar dhigno dakhliga bil-laha ah ee danyarta iyo lacagta daawayntu waxa aan ku tilmaami karaa inay dhakhtarada iyo maamulada cisbitaalada dawladu ku yaalaan wadan ka mid ah wadamada dhaqaalaha shacabkoodu koreeyo.Waynu ka wada war qabnaa oo ku fogaan maayo.
Dhibaatooyinka ka jira cisbitaalada dawlada,lacagta faraha badan ee daawaynta,naxariis darrada dhakhaatiirta,kibirka shaqaalaha iyo maamul xumada,iyo qorshe la’aanta xukuumada ayaa dhalisay inay dhakhaatiirtu isu rogto ganacsato caafimaad oo aan xeer qaban,dhaqankii dhakhtar-nimo aan lahayn,dareen-koodii dad-nimana dhintay ayaa xarumo gaar ay u leeyihiin furtay.Ajnabi aan la garanayn aqoonta ay u leeyihiin caafimaadka ayaa iyaguna ooda soo jebiyay oo gidaar walba ka furtay meel bukkaanka lagu baadho.Tana aan tusaale idinka siiyo:Waxa aan kaxeeyay inan yar oo cad(carjaw)ka soo baxay sanka.Markii dhakhtarku eegay waxay noqotay in la qalo oo laga jaro carjawda.Waxan waydiiyay qiimaha qalliinka,waxuu ii sheegay isu gayn inaan bixiyo $400! Intaan layaab-qoslay ayaan ku idhi (Adeer xagaynu joognaa,meeshu miyaanay Hargeysa ahayn!Waar miyay-daan dareen lahayn,miyaad ilawdeen sababta aad u barateen caafimaadka,miyaad hilmaanteen qaayaha qofku leeyahay!).Dhakhtarkii dhamaa waxuu iigu jawaabaay(Adeer waqtiga hayga qaadine kaxayso ka yar).Kibirka waxaa u dheer dhaqan xumada iyo dabeecad xumada ay shacabka ku hayaan ilayn ma jiro sharci ama xeer qabanayaaye.
Goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waynu wada ognahay inay sakkad kasta ka furanyihiin caasimada hargeysa iyo goboladaba,waynu ognahay qiimaha sarreeya ee lagu qasbo shacabku inuu bixiyo.Meel kale oo ay u ciirsadaana jirin.Kaga darane xayay-siiska caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa indhaha shacabka ku dhaca mar kasta oo ay tv-yada furtaan.
Waxa la yidhi: nin ayuu daad qaaday,muddo kadib markii laga soo reebay ayaa lagu yidhi: waar maxaad geed u qabsan wayday,markaasuu yidhi(Miyaa-bu igu simay).Waxa aan uga socdaa,dhibaatooyinka caafimaad,mid dawladeed iyo mid gaar loo leeyahayba,cashuuraha dhabarka jebiyay miyaabay heleen dawlad u jiidh damqata oo qorshe u danay-naya shacabka ku maamusha.Maanta waxaynu ognahay dhakhaatiirta u shaqaysa cusbitaalada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba inay ku mameen helista doolar badan balse qaayaha qofka bukka aanay danba ka lahayn.Tani ayaa kor u qaaday nolosha dhakhaatiirta kana dhigtay ganacsata 2aad ee dalka ka jirta.Golahii sharci dejinta ee codka shacabka ku fadhiday ee sharci iyo xeerar dhawraya xaqa daaweynta,xakamayana dhakhaatiirtan xadhkaha goosatay waa kuwaa lawyers-ka u noqday,kana hayaamay shacabkii ay wakiilada ka ahaayeen ee ay baahiya-hooda wax ka qaban lahaayeen.
La soco……..
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL