Saturday, November 9, 2013

Ethiopia: Gunnaanadka Shirka Saxaafadda oo ku beegmay xili dawladdu hakisay Fiiseyaasha


"Wariyeyaal Somaliland ka tegay oo ka qayb-galay shirka Madaxda Saxaafadda Afrika oo saddex maalmood ka socday Xarunta Q.M"



Addis-ababa(GNA) Shirkii madaxda suxufiyiinta Afrika eek a socday Xarunta Qaramada Midoobay ee Afrika ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa galabta la soo gabagabeeyay, kadib markii muddo sadex cisho ah dooda iyo warbixino ay is weydaarsadeen Madaxda Qaarada Afrika iyo Suxufiyiintu.



Shirkan waxa ka qayb-galay suxufiyiin ka socda somaliland oo uu ka mid yahay Xoghayaha Ururka SOLJA iyo xubno kale.



Munaasibada lagu soo gabagabeeyey shirkan waxa ka qayb galay Raysal wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya Demeke Makennon, Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto, Guddoomiyaha Midawga Afrika Dr: Zuma iyo Guddoomiyaha Baanka Horumarinta Afrika Donald Kaberuka.



Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto oo ka hadlay doodii ugu danbaysay ee lagu soo xidhayey shirka ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dalkaasi Uhuro Kenyatta oo ku qornaa Jadwalka shirka u cudur daaray Madaxweyne Uhuru, waxaanu si qoto dheer qudbadiaisa ugaga waramay Sooyaalkii Taariikheed ee Qaarada Afrika laga soo bilaabo Gumaysigii iyo Adoonsigii ay soo mareen dadyawga Afrikaanka ahi.



William Ruto isagoo ka waramaya dhibaatooyinka Afrika haysta waxa uu xusay in aan marna la ilaawi Karin waxyaabaha dibu-dhaca ku keenay in ay ka mid ahaayeen Qabyaaladda, Musuq maasuqa, xasuuqa, Barakaca iyo is-caawin la’aanta hase yeeshee waxa uu sheegay muuqaal ahaan gumaysigii kadib Afrika maamuladeeda in ay ka sii muuqadan Raadadkii Gumaysigu , inkasta oo uu bar bar dhigay Afriki in ay kortay.



Mr Ruto oo ay wariyayaashu uga dheg taagayeen jawaabta Xukuumadda Kenya ka bixisay Xeer Baarlamaanka Dalkaasi dhawaan Ansixiyey ayaa sheegay Xukuumad ahaan in ay go’aansadeen in dib loogu celiyo Baarlamaanka hase yeeshee waxa uu tilmaamay in wadahadalo Saxaafadda iyo Guddi hoosaadka qaabilsan Shuruucda uu u socda wada xaajood wax lagaga qabanayo, isagoo sheegay saxaafadda in ay leeyihiin xidhiidh fiican isla markaana ay ka wada shaqeeyaan Danta guud sharciga Dalkooduna uu damaanad qaaday Xorriyada saxaafadda.



Dr Zuma Guddoomiyaha Midawgha Afrika oo ka hadashay kulanka lagu soo gunaanaday shirka Madaxda Saxaafadda Afrika ayaa si qotodheer uga warantay Horumarka Dalalka Afrika ku talaabsadeen, iyadoo xustay 60% dalalka Afriki inay daboolaan baahiyahooda, isla markaana ay dhinaca Aqoonta iyo waxbarashada sare hore uga mareen, hase yeeshee waxa ay Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Afrikaanka ah ku dhaliishay in aanay baahin Horumarkaas, iyadoo ku boorisay haddii aanay bulshadooda u hadal in aanay cid kale u hadlay.



Marwo Zuma waxa ay xustay sanad kasta shirka Midawga Afrika in ay Casuumaan Saxaafadda Afrika, hase yeeshee sida ay ku dooday waxa ay sheegtay in aanay ku baraarugsanayn ujeedooyinka loo baahan yahay in ay shirarkaas ka tabiyaan oo ah in ay bandhigaan Sooyaalka iyo Horumarka ay dalalkoodu ku talaabsadeen iyadoo ku canaanatay in loo baahan yahay doorkooda in ay qaataan.



Madaxweynaha Baanka Afrika Donald Kaberuka ayaa isna dhiniciisa ka dhaliilay Saxaafadda Afrika waxaanu xusay in ay ka gaabiyeen Taariikha Yurub halka ay aka taalo Qaaradda Afrika in aanay Taariikhda Afrika oolin Qaarada Yurub, waxaanu muujiyey in aanay isku kalsoonayn oo aanay is Iib-geynin isagoo u soo jeediyey in ay ka hortagaan khataraha han-taaqada ku keeni kara Qaaradda.



Raysal Wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya Demeke Mekennon ayaa dhinaciisa uga soo jeediyey Dalalka Afrika in looga baahan yahay in ay taageeraan  warbaahinta Afrika Qaarada, waxaanu xusay Dal ahaan in ay Horumar balaadhan ka sameeyeen isagoo tilmaamay in ay dhiseen Hay’addaha Warbaahinta isla markaana ay kor u qaadeen Tiknoolajiyada ay ku shaqeeyaan.



Demeke waxa uu aad u soo dhaweeyey marti-gelinta ay sanadkan u sameeyeen Suxufyiinta Afrika oo uu sheegay in ay tusaale fiican u tahay Horumarka Dalka Itoobiya gaadhay, isagoo u mahadnaqay Hay’adda AMI ee soo qaban qaabisay kulankan oo uu sheegay in uu ku soo beegmay sanad guuradii kontonaad ee Qaaradda Afriki Xorowday.



Raysala Wasaare ku-xigeen Demeke, Dr Zuma,  William Ruto iyo Donald Kaberuka waxa gabagabadii Suxufiyiinta ku weerartay su’aalo mid ba midka kale ka adkaa, kuwaasoo bedelay shucuurtii ka jirat Hoolka intii Madaxdu qudbadaha jeedinaysay taasoo labada dhinac galisay weerar iyo weerar celis, hase yeeshee u muuqday kuwo si qalbi furan ku dhamaaday.



Madaxda Saaxafadda Afrika mudadii ay ku sugnaayeen Dalka Itoobiya waxay siyaabo kala duwan kulamo ula yeesheen Madaxda Dalka Itoobiya oo ay ka codsadeen sii daynta Toddoba Wariye oo ku xidhan Dalka Itoobiya, hase yeeshee Raysal Wasaare ku-xigeenka oo su’aal arrintaas la xidhiidha kaga jawaabay Wariyayaasha hortooda ayaa cadeeyey in Kiiska Wariyayaashaasi sharciga la hor geyn doono isagoo ku af-gobaadsaday waxyaabaha Qaranimada dhaawacaya in ay Xukuumaddu masuul ka tahay sidii ay uga ilaalin lahayd Dalka.



Dhinaca kale , wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis-ababa ayaa sheegaya inay suxufiyiinta somaliland ee kulankaasi ka qayb-galay la kulmeen caqabad dhinaca soo laabashada ah, isla markaana loo diiday Fiiseyaashii soo bixitaanka.



Wariyeyaasha ayaa la sheegayaa inay ku beegmeen xili ay dawladda Itoobiya hakisay socdaalka dalkeeda muddo bil ku dhawaad ah, sababo la xidhiidha amaanka dalkeeda oo cabsi badani jirto iyo shirka qoomiyadaha Itoobiya oo furmaya.



Dawladda ayaa la sheegay inay hakisay bixinta fiiseyaasha soo gelitaanka iyo bixitaanka,taasoo caqabad ku noqonaysa dadka u safraya ama ka soo socdaalaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay safaarada dalkaasi ku leeyahay Magaalada Hargeysa ee Somaliland dad badan oo Masuuliyiin dawladda ka tirsan looga diiday fiisaha gelitaanka Itoobiya.



Cabsida dhanka amniga ee Itoobiya ayaa ah mid u badan dhanka xuduudka ay la leedahay Suudan iyo Eriteria, ka dib markii salaasadii qarax banbaano lagu dilay afar qof Magaalo ku taala xuduudka sudan ay la wadaagto.



Laakiinse waxa la sheegay inay Safaaradeeda somaliland Fiiseyaasha u diiday Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda, kuwaasoo aan si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin, balse sida la tibaaxay Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu ku mid yahay.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com