Saturday, November 9, 2013

Duufaano dabeylo wata oo Ka Dhacay Dalka Filibiin


GNA-Wadanka Filibiin oo sanadkan sadex musiibo oo rabaani ah ku habsadeen ayaa waxaa maanta markale cagta marisay duufaan xoog badan.




Duufaantan oo subaxnimadii hore ee Jimcaha soo cago dhigatay gobalka Samar ee bariga dalkaasi Filibiin ayaa burburisay guryo badan, isla markaana jartay korontadii qeybo kamid ah wadankaasi Filibiin. Duufaantan ayaa wadata dabeylo xawaarahooda lagu qiyaasay 225km saacadii.




Dowlada Filibiin ayaa daadgureysay kumanaan kun oo shacab ah oo degenaa qeybo kamid ah dhulka ay duufaantan ku wajahan tahay iyadoo saxaafada ku tilmaamtay muuqaalka dalkaasi Filibiin meel uu ka dhacay dagaal xoogleh.




Madaxweynaha Filibiin Benigno Aquino ayaa ugu baaqay shacabka degen goobaha duufaanta ku wajahan tahay inay isaga baxaan goobahaasi oo gaaraya 100 degmo oo kamid ah gobalada Bari ee dalkaasi Filibiin oo ka kooban jasiirado kala duwan.




Dalkaani Filibiin ayaa muddo bilo kahor ah waxaa sidan oo kale ku habsaday duufaan kale oo dad badan baro kicisay iyadoo sidoo kale laga joogo muddo hal bil ah Dhul-gariirkii burburiyey bartamaha Filibiin oo kamid ah goobaha hada duufaantan ku wajahantahay




Diyaariye>C/qaadir Askar




gobonimonews.com