Doxa(GNA)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo maalmihii ugu dambeeyay Booqasho ku joogay Magaaladda Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar, ayaa booqday Xarunta Telefishanka Caalamiga ah ee Al Jazeera.
Sheikh Maxamed Cumar ayaa ka mid ah Culimada waaweyn ee Reer Somaliland, waxaanu Barmaamujyo Diini ah ka soo jeediyaa inta badan Telefishanada iyo Ideecadaha ku hadla afka somaliga, siiba kuwa somaliland.
Markii uu booday Xarunta Al-jazeera Waxa ku soo dhaweeya Khadar Caalin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka mid ah saraakiisha dhinaca Maamulka ee Telefishankaasi.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa lagu soo wareejiyay idil ahaanba xarunta Telefishanka, waxaanu kulamo la yeeshay masuuliyiinta iyo wariyeyaasha Telefishankaasi badhkood.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dalka Qadar ayaa marti qaad u fidisay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar dirir,taasoo uu ku joogo Dooxa.
Sheikh Maxamed Aadab Dirir, ayaa kulan diineeyo halkaasi kula leh Bulshada somalida ah ee ku dhaqan Qadar.
Dalka qadar ayaa ka mid ah Wadamada Carabta ee Dhaqaalahoodu soo korayo, isla markaana saameynta ku leh horumarinta arrimaha Islaamka.
Gobanimonews
London London Office
Email: editor@gobanimonews.com