Sunday, November 10, 2013

Caynabo: Bilayska oo xidhay Gaadhi Cisbitaalku leeyahay oo laysku haysto


Caynabo(GNA)-Muran ayaa ka dhex taagan Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Goboladda Bari  iyo Saraakiisha Caafimaadka ee Maamula Cisbitaalka Magaalada Caynaba.




Khilaafkaasi oo salka ku haya cida maamulaysa Gaadhi Ambulace ah oo loogu deeqay Cisbitaalka iyo Xarunta Daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka, ayaa sababay in maanta la xidho Gaadhiga laysku haysto,xili Agaasimaha Cisbitaalku amray inuu qof Xanuunsanaya ka soo qaado meel ilaa 10KM u jirta Magaalada.




Saraakiisha Bilayska iyo goob-joogeyaal ku sugan Caynabo ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in gaadhigaasi la xidhay ka dib markii muran ku dhex maray Sarkaalka ugu sareeya Cisbitaalka iyo Isuduwaha Goboladda Barrie e Wasaaradda Caafimaadka oo Burco ku sugan.




Dhinaca kale, Agaasimaha Cisbitaalka Caynaba Cabdiraxmaan Axmed Faarax oo Gobanimonews la hadlay, ayaa sheegay in caqabad wada shaqayn la’aaneed iyo khilaaf lagu bilaabay tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii October ee aynu soo dhaafnay.




“tan iyo markaan xilka la wareegay bishii October, waxa Gobolka iyo degmadaba igaga socda wada shaqayn la’aan, waxaana ugu daran isuduwaha Wasaararadda caafimaadka Goboladda Bari Cabdi Yaasiin ee Burco jooga oo yidhi Gaadhiga Ambulance-ka ah ee Cisbitaalka waxa laga maamulayaa Xanaanada”ayuu u sheegay Gobanimonews Maanta.




Sarkaalkan ayaa qaylo-dhaan Maamul u soo diray Madaxda Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu u soo jeediyay inay wax lagala qabto Caqabadaha ka haysta shaqadiisa “Madaxda Wasaaradda waxaan ugu baaqayaa in arintan wax laga qabto”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Sarkaalka ayaa cadeeyay in Gaadhigan markii la xidhay loo dirayay Qof ku xanuunsayay meel magaalada ka baxsan “Gaadhigan waxa loogu talo galay in loogu adeego Caafimaadka Gobolka oo bulshada loogu shaqeeyo, isaguna wuxuu leeyahay xanaanada dhexdeeda ha yaalo”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Isuduwaha Caafimaadka Cabdi Yaasiin oo ku saabsan eedahan loo soo jeediyay, noomaynay suurto gelin inaanu helno si aanu wax uga waydiino.




Wariye Cirro




Gobanimonews




Caynabo Office