Burco(GNA)- Hal qof ayaa ku dhintay Miino nooca Dhulka lagu aaso ah oo la kacday Gaadhi ay leedahay shirkadda Beder ee Laydhka u shida magaalada Burco.
Qofka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Yuusuf Mire oo ka mid ahaa shaqaalaha Shirkada laydhka Beder, isla markaana isagu gaadhigaasi watay ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ka dhacay Xaafada October ee Magaalada Burco.
Gaadhiga ayaa gabi ahaanba bur-buray, waxaana nooca miinada la kacay ahayd Nooca waawayn ee anti taangiga ah,sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee Gobolku. halkan ka Daawo:
Waa markii labaad ee mudo laba bilood gudahood ah sidan oo kale Miino kula kacdo Gaadiid iyo dad maraya magaalada dhexdeeda, waxaana Mudo Bilo ah kahor ay kula kacday muwaadin kale oo shacab ah , kaasoo Gamcaha iyo indhahaba ay ka naafaysay.waxaanay arintani Firkanax ku noqotay dadwaynaha Reer Burco iyadoo xiligani ay Magaalada Burco ka hawlgalaan Hay,ado Miina saarka Mashaariic badan ku qaataa.
“Miinadan wiil hore ayay meesha kal kacday Bishii Tobnaad ayay la kacday iminkana waa taas gaadhiga Beder iyo inanka la kacday Miinada cidna daacd kam ah waa is tusnimo,dawladanna waxaan ku dhaliilaynaa Baadhida Miinada,mid hhorena halkaas baa laga saaray oo dadka shacabka ah baa ka saaray”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah ah dadwaynaha xaafadaas degan.
Shilkan ayaa markii dhacay waxa Goobta soo gaadhay,Maamulka Gobolka iyo degmada iyo ciidanka Booliska.
Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ka hadlay ayaa sheegay in ay Hay,adaha Miino baadhka ka wada gudaha magaalada ka wada hadli doonaan,hada wixii ka danbeeyana ay aagan miinadu ka kacday soo galin doonaan ahay,adaha miinada ka shaqeeya.
Sidoo kale Mareeyaha shirkada Beder Khadar Jibriil ayaa isna Shaqalaha shirkada ka tacsiyadeeyay Geerada ku tim Marxuumka dhintay.
Halkan ka Daawo Vedeo:-
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com