Monday, November 4, 2013

Burco: Cuqaal iyo wax-garad Difaacay Caaqil Biindhe


Burco(GNA)-Waxgaradka, dhalinyarada iyo odayaasha Beesha Xildiid Alamagan oo ka mid ah Beesha Bariga Burco ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay,war ay Xubno ka mid ahi ku ku sheegeen ina ay Xilkii ka qaadeen Caaqilka Beeshaasi.




Odayaashan ayaa maanta ku sheegay shir jaraa'id ay ku qabteen Hotel Deero ee magaalada Burco in dadka Beelaa kal qaybinaya meel looga soo wada jeedo,waxanay sheegeen in caaqilka Beesha Xildiid Alamagan uu yahay Caaqil Cali cawil Caraale(Biindhe)




Oday Ismaaciil Dawiil ayaa ugu horayn halkaas ka hadlay waxaanu yidhi''reer Xildiid Alamagan caaqil buu waligiiba lahaa oo waa caaqil Biindhe kaasaa dawladu iyo wasaaradu Arimaha Guduhu ogtahay,nin waligiiba ahaa maanta ayaanu si hawl yar uga qaadaynaa,cid walba waxaanu u sheegaynaa in uu wali caaqilkayagu yahay caaqil Biindhe”.




Oday Maxamed Aadan Cabdile iyo  Oday Jaamac Nuur ayaa iyaguna sheegay inaanay ogayn meel caaqil kale lagu doortay isla markaana waxay,sheegeen in ay beeshu is wada raacsantahay caaqil Biindhe marka laga reebo afar inan oo ka cadhooday.




Rooble Caynab oo odeyaashaasi ka mid ah ayaa ayaa isna sheegay inaaanu caaqil Biindhe aanu galin ama lahayn wax danbi ah oo xilka lagaga xayuubiyo oo uu yahay nin xilkiisa kasoo baxa isla markaana  ay wada yaqaaniin cuqaasha iyo umada reer somamliland.




Caaqil Cali Cawil Caraale (Biindhe) ayaa ugu danbayn sheegay inuu isagu dhamaan caaqil u wada yahay isla markaan cid waliba oo kasoo hor jeesata ama wax ka sheegta uu u dul qaadan doono isla markaana uu si agar la'aana ugu shaqayn doono danaha Beesha.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com