Saturday, November 9, 2013

Berbera: Wefti Kenyaati ah Booqday


Berbera,(GNA )- Weftigii ka socday dalka Kenya ee maalmahan  dalka ku sugnaa ayaa manta booqasho ku tagay magaalada Berberaxarunta gobolka Saaxil boqashadaas oo ay ku wehilanayaan wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo qorshaynta qaraka.




Weftigan ayaa booqday dekeda  Berbera iyo haamaha kaydka shidaalka Berbera  halkaasi oo warbixino kaga dhagaysteen masuuliyiinta hayadahaasi.




Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade, ayaa sharaxay ujeedada socdaalka weftigii ka socday dalka Kenya kaasi oo uu sheegay in uu la xidhiidho xoojinta xidhiidhka labada wadan waxaanu yidhi, “ujeedad weftigan ee Kenya inooga yimid waxa weeyaan inay arkaan oo bartaan oo isku soo dhawaano cilaaqaadkeena siyaasadeed mid ganacsi iyo mid gogol-xaadh inaanu isku xidhano, runtii waxay ka maqlaan Somaliland idaacadaha iyo TV yada, markaa horumarka aynu gaadhnay ayaa soo jiitay reer Kenya inoo yimaadaan”.




“runtii dareen dheer ayaa inoo dhaxaya inaga iyo reer Kenya oo Ingiriiskii ina wada gumaysan jiray, baryihii hore inta aynaan calosha Soomaliya galina waxay ahaayeen dalal aynu aad iskugu xidhan nahay oo ciidamadii Somaliland iyo Kenya waxay kawada dagaalameen dhamaan dhulkii maxmiyada Ingiriiska”ayuu yidhi.




Madaxa weftiga ka socda dalka Kenya Mss Aniya Kabitaayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay booqashadan ay ku joogaan Somaliland iyo qaabilaadda diirran ee ay la kulmeen, waxaanay xustay xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyey labada dal, kuna ballan-qaaday inay booqashadoodu marka ay u dhammaato ay dawladda iyo shacabka reer Kenya u gudbin doonaan horumarka iyo nabadgelyada ay ku talaabsatay Somaliland.




Gobanimonews




Berbera Office