Tuesday, October 15, 2013

Waran-cadde: Wax Magaallo ah oo cusub dalka laga lagama sameyn karo, dhamaan dadkii Dilalka geystayna gacanta ayaanu ku haynaa".


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay go'aan dawladdu ku madnuucday deegaameynta Dhul-daaqsimeedka dalka.
Wasiirka ayaa sheegay inaan Beled iyo Baraag toona laga samayn karin Dhulka xoolo daaqeenka ah ama aan hada waxa magaalo ahi ka jirin, isagoo xusay inay arintaasi dhibaato soo noqnoqotay abuurtay.
Go'aanka oo Cali waran-cadde kaga dhawaaqay, shir uu la yeeshay beelo dhawaan ku diraray deegaan ka mid ah Gobolka Saraar oo laysku qabsaday qodashada Baraago nooca biyaha laga cabo ah oo laba beelood isku faro saareen, ayaa Waraysi uu sii yay Gobanimonews ku sheegay in madnuucista Magaalooyinka cusubi dalka oo dhan saamaynayso.
"Runtii arintaasi waa mid dalka oo dhan saameynaysa oo ku wajahan, haday Baraago tahay, haday tahay Dhsmooyin Magaalooyin waa madnuuc dalkoo dhan,laakinse waa la wada degi karaa meelihii hore u jiray, cidii doonaysa inay wax sameysaana halka ugu dhow Magaalooyinkii hore ayuunbay degi kartaa"ayuu yidhi.
waxaanu intaasi ku daray "Qoladdana arintooda waxaanu ku dhamaynay in Magaaladda la wada dego Baraagahana halkaa laga wada qoto, laakiinse meel kale aan la samaynsan karin, tiibaanay ku dhamaatay".
Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa dhinaca kale faahfaahin ka bixiyay inay wax talaabo ah xukuumaddu  ka qaaday dilal isdaba joog ah oo bilihii ugu dambeeyay dalka ka dhacayay, gaar ahaana Magaalada Hargeysa oo dhawaan laba habeen oo isku xigta shan qof lagu dilay meelo kala duwan.
Wasiir Waran-cadde, waxa uu sheegay inay dhamaan Falalkaasi cidii geysatay gacanta lagu hayo si dhakhso ahna loo horkeeni doono Hay'adaha Garsoorka.
"Dilalkaasi waa kuwo si caadi ah u dhaca weeye,waana arimo iminka inagu soo kordhay oo ah Gabadh laysku qabsado ah ama Gabadh cidlo laga helo oo wax lagu dhufto, markaa dhamaantood gacanta ayaanu ku haynaa, sharcigana waanu horgeynaynaa hadii alluhu yidhaaahdo"ayuu ku sheegay Waraysigan Gobanimonews la yeelatay maalintii shalay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com