Hargeysa(GNA)-Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ayaa maanta sidii caadada u ahayd waxay la ciiday lana qaybsatay farxada ciidal Adxaha Caruurta ku dhaqan xarunta Agoomaha Hargeisa.
Aamina Xaaji Maxamuud Jirde oo hadal kooban u jeedisay Caruurta ay la ciiday ayaa ugu bushaareysay dhisme dayr cusub ah oo lagu wareejinayo xarunta lagu dar-yeelo, kaasoo lagu xayndaabi doono.
Marwo Aamina Waris ayaa balanqaadkaasi ka dib waxay wakhti qadar ah la qaadatay ubadka halkaasi ku jira, waxaanay sidoo kale mahad naq iyo bogaadin u soo jeedisay Shirkadda Al-nuur oo Caruurtan dharka ciida ku caawisay, taasoo ay tilmaantay shirkad fahansan qiimaha iyo doorka ay ku leeyihiin dhalintani dadka.
Aamina Waris ayaa ka dhawaajisay dadkana fariin ugu dirtay in laga war hayo caruurtan qiimaha badan waxaanay tidhi "waa inaad ogaataan in madaxweynihii beri, wasiirkii beri, odaygii beri, aqoon yahankii beri uu halkan ku jiro oo aan la dhayalsan lana gacan qabto dadkuna ay ka soo qaybqaataan intii diir naxaya ee damqanayaa uu ugu yaal caruurtan in ay dayrkaasi iyo wixii kale ee dhisme ah ee ay ku dari karaanba inay ku caawiyaan caruurta"ayay tidhi.
Marwada Madaxweynaha ayaa sanad walba munaasibadaha Ciida la wadaagta Ubaddka lagu daryeelo xarunta Agoomaha Hargeysa, taasoo yihdidiilo u muujisa dhalaanka halkaasi ku jira.
Daawo Sawiradda:
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com