Saturday, October 19, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Alle Ha Unaxariistee Chief Caaqil Cabdi Ciidle Geeriyooday Gobolka Gabilay


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ku geeriyooday 19/10/2013 Gabiley.




Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed ka baxay qaranka Jamhuuriyada Somaliland door muhiim ahna ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, sida nabadayntii beelaha somaliland iyo dawladnimada iyo dimuquraadiyada dalkaba, horena waxa uu marxuumku uga soo qayb-qaatay halkankii dalka lagu horeeyey.