Saturday, October 19, 2013

Beled-weyne: Al-shabaab oo Sheegatay Qarax Khasaare badan geystay iyo Madaxweynaha dawladda oo Cambaareeyay





Muqdisho, (GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa  ee ka dhacay magaalada Beledweyn, kaasoo galaaftay nafo badan oo aan waxba galabsan.



Maanta gelinkii hore ayaa qarax lala beegsaday dadweynaha tiro badan oo ku sugan Magaalada Beled-weyne,kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.



Madaxweyne Xasan Sheikh oo falkan ka hadlay ayaa yiri "Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa."



Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri "Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan."



Dhinaca kale, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo sida ay sheegeen lala eegtay ciidamo Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah oo ku sugan Gobolka Hiiraan,



Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lahadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in mid ka mida ciidankooda istish-haadi ay u bixiyeen uu howlgal ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen ciidan wada jir ah bariga magaalada B/weyne.



Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in weerarkii maanta ay ku dhiteen dhowr iyo labaatan askar iyo saraakiil ah,13 askari oo Itoobiyaan ah ayaa kamid ah dadka goobta ku dhintay sida lagu sheegay warka Andalus baahisay .



“Camaliyad istish-haadi ah oo uu fuliyay walaal mujaahidiinta katirsan ayaa Bariga B/weyne lagula eegtay cadawga oo wadajira waxaan muslimiintu u sheegaynaa in 13 askari Itoobiyaan ah kamid yihiin cadawga ku hoobtay weerarkii maanta waxaa kale oo khasaara xoogan gaaray maleeshiyaadka Jabuutiyaanka”ayuu yiri Sarkaal u hadlay shabaab oo warbaahinta Andalus sii daysay.



Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com