Friday, November 1, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Diiday inuu faro-geliyo Khilaafka Xisbiga Kulmiye, Canaan kululna u jeediyay Garabka Muuse Biixi ee Kacsan


Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu iska moosay Duufaanta siyaasadeed ee ka aloosantay Khilaafka xisbiga kulmiye ka dhex qarxay, ka dib markii ay laba garab u kala jabeen Guddidii qaban-qaabashada shirweynaha xisbiga loo xulay.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo  baxay madaxtooyada oo la xidhiidha Mawqifka Madaxweynuhu istaagay muranka shalay ka dhex dilaacay xisbiga, balse warar lagu kalsoonyahay oo Gobanimonews ka heshay aqalka Madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu khilaafkaasi iska taagay meel adag, sheegayna inaanu wax faro gelin ah ku samaynayn arrimaha socda, ilaa labada dhinac ka jibo keenayaan.




Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu xubno xisbiga ah oo Maanta u tegay ku wargeliyay inaanu ku degdegayn faro gelinta arrimaha Kulmiye oo xalkoodu u yaalo labada garab ee Muuse Biixi iyo Samaale ee ay guddida qabanqaabadu u kala qaybsantay.




Dhinaca kale, waxa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Canaan u soo jeediyay garabka Muuse Biixi ee Guddida qabanqaabada iyo hogaanka, isagoo ku canaantay laba arimood oo kala ah, xidhida xarunta xisbiga ee Garabka samaale ee Guddidu ku eedeysay hogaanku inay ka xidheen Hoolkii ay ku dooran lahaayeen Guddoonka.




Qodobka labaad ee Madaxweynuhu dhinaca Muuse Biixi iyo hogaanka xisbiga ku canaantay ayaa ah,sababta ay u raaci waayeen talaabada ay qaadeen xubnaha Guddida qabanqaabada ee tiro ahaan Aqlabiyada haystaa, hab kasta ha u mareen doorashada Hogaankoodee.




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la wariyay inuu mawqifkiisa ku cadeeyay labadaa qodob iyo go’aan cad oo uu iska taagay faro uu ku sameeyo yooyootanka ka bilaamay shalay Doorashada Guddoonka Guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbigaasi.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xubnaha madaxweynaha u tegay ee warkan ka soo qaaday uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Dr Axmed Xaashi Oday iyo xubno kale oo ka mid ah Xisbiyanada Kulmiye ee labada dhinac iyo Madaxweynaha u kala dabqaadyaa.




Warar soo baxayay gelinkii hore ee Maanta ayaa sheegayay in  Muuse iyo garabka uu hogaaminayaa ee Kulmiye ay tan iyo markii shalay lagaga adkaaday doorashadii xubnaha guddoominaya guddida qaban qaabad bilaabeen inay Ergo u dirtaan Madaxweyne Siilaanyo si uu Garabka Guulaystay ugu qanciyo in ay wax ka siiyaan xubnaha hogaanka loo doortay.




Talaabadan ayaa la sheegay in ay gadh-wadeen ka noqdeen xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo isla xalayba Madaxweynaha ka dalbaday inuu Garabka Samaale ku qanciyo Ergada ay ula socdaan.




Hase yeeshee Madaxweyne Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo waxa la sheegay in uu ka aqbalay in Hogaanka Xisbiga horta loo yeedho si loogu gar qaado isla markaana loo ogaado sababta keentay Guddi la doortay in Ergo laga galo.




Soo jeedinta Madaxweynaha waxa xalay ka diiday Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin kuwaas oo ku adkaysanaya gar iyo Gardaraba in xubnaha la doortay qayb laga siiyo.




Si kastaba ha ahaatee arrinta xisbiga Kulmiye ee ka taagan doorashada shir-guddoonka Guddida qabanqaabada shirweynaha ayaa u muuqata mid marba marka ka dambeysa sii adkaanaysa, wiiqina karta rajada laga qabo in shirweynaha xisbigu qabsoomo bisha December ee soo socota.




Waxaana la leeyahay hadiiba caqabadan iminka xal laga gaadho, waxa adkaanaysa wada shaqaynta guddida oo u muuqda kuwo laba dhinac u qaybsan, una debecsan faro-gelinta kaga imanaysa Wasiirka Maaliyada Musharaxa Guddoomiye ah iyo Muuse Biixi iyo kooxdiisa oo difaacanaya in Kursiga hogaanka xisbiga laga riixo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com