Friday, November 1, 2013

C/samad Cali Shire: Taleex shir ka socdaa ma jirto,lagumana shiri karo”.Dhegeyso


Taleex(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa Gaashaanka ku dhuftay jiritaanka Shir beelaha Dhulbahante ku qabsanayaan Degmada Taleex, kaasoo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland Maamulka Faroole ku dhaliileen inuu faro gelin ku hayo aayo ka tashiga Bulshada deegaamadaasi.




Xubno ka mid ah Musharixiinta jagada Madaxtimida u ordaya ee Puntland ayaa maalmahan si weyn uga hadlayay faro gelinta shirka taleex ee Maamulka Faroole, waxaanay ku tilmaameen mid aan loo baahnayn oo Khalad ku ah Mujtamaca Gobolka Sool oo raba inay aayahooda ka tashadaan.




Laakiinse Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre waxa uu dhaliilahaasi ku tilmaamay kuwo aan xaqiiqada ku fadhiyin, isla markaan  Olole siyaasadeed looga faa’idaysanayo “Taleex Beel ku shiraysa iyo wax shir ah oo ka socdaa ma jiraan, nimanka shaashadaha ka had-hadlayaana waxaan u arkaa inay siyaasad uga faa’idaysanayaan”ayuu yidhi.




Shirar kala duwan oo salka ku haya arrimo siyaasadeed iyo kuwo dhinaca dhaqanka ah ayaa muddooyinkan dambe ka socday Deegaamada Taleex iyo Sarmaanyo oo ka tirsan Gobolka Sool, waxaana shirarkaasi kulaalayey Cabdisamad Cali shire iyo xubno ka mid ah Maamulkii Khaatumo oo dhinaca Puntland hada u Janjeedha, kuwaasoo Olole siyaasaddeed iyaga laftoodu halkaasi ka waddo.




Inkasta oo la hadal hayay in Shirarkaasi Ina CalI shire qayb ka yahay, lana filayay inuu ku birro, hadana waxa maalmahan dambe soo baxaysay inuu ka soo horjeestay, ka dib markii uu ka waayay danihii siyaasadeed ee uu ka filayay.




Shir Jaraa’id oo uu Maanta oo Khamiis ah ku qabtay Magaalada Taleex, ayuu ku sheegay Cabdisamad inay jiri karaan Ashkhaas Guryaha hoostooda Kamaraddo iskaga duubay oo sheegta inay shireen, balse wuxuu carabka ku adkeeyay inaan shir Reer Taleex leeyihiin dhicin, dhicina Karin, hadalkaasoo xaqiijinaya jiritaanka warar hore oo sheegayay inuu doonayo inuu xoog iyo awood ciidan ku muquuniyo cidii Gobolka Sool kaga hadasha arimo ka baxsan rabitaankiisa.




Halkan ka dhegeyso Hadalka C/samad Cali Shire: