GNA) Khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inay ku hawl jiraan sidii ay daawo kansarka naasaha haweenka ku dhaca uga samayn lahaayeen hab-dhiska difaaca cudurrada ee uu leeyahay libaax-badeedku.
Khubaradani waxay xuseen inay muddo 25 sanno ah ku daba jireen siday daawo fiican oo wax ka tarta kansarkan aafeyey haween badan oo dunida ah ugu soo saari lahaayeen daawo, waxaanay tilmaameen inay hawlgalkooda ka gaadheen guushii ugu horraysay.
Jaamacadda Aberdeen Univeristy oo cilmi-baadhistan diyaarisay, ayaa rumaysan in hab-dhiska difaaca cudurrada libaax-baddeedku uu yahay ka kaliya ee lagaga jawaabi karo in daawo loo helay cudurka kansarka ee asiiba naasaha.
Dhakhaatiirtu waxay libaax-badeed ku tijaabiyeen, kuna mudeen booratiin la yidhaa HER2, kaasoo fadhiista oogada unugyada uu kansarku ku dhacay, dedejiyana koriinka unugyada kanasarka, waxaanay u fiirsanaayeen sida uu Libaax-baddeedku isikaga difaaco.
Cilmi-baadhe Helen Dooley oo daraasaddan ka qaybgalay, lacag caawimo ah oo cilmi-baadhistan ay ku sameeyaan oo dhan laba kun oo giniga Ingiriiska (£200,000) ka helay ururka Caalamiga ah ee Cilmi-baadhista Kansarka (International Cancer Research, ayaa sheegay in natiijadii baadhitaanka libaax-badeedka uga soo baxday noqotay in uu iska difaaca, joojiyeyna in unugyadii kansarka lagu talaalay jidhkiisa ku fidaan, halkaasna ka heleen in hab-dhiskiisa difaaca daawo ahaan loo isticmaali karo.
"Kansarka naasaha ku dhaca daawo looma hayo, waxaanannu doonaynaa inaannu u helno daawo, natiijada cilmi-baadhistana si gaar ah baa indhaha loogu haya, waxaanan rajaynaya inay noqoto mid midho dhasha,"ayuu yidhi Dr. Dooley
Diyaariye.Askar
askars4@hotmail.com
GOBANIMONEWS.COM