Tuesday, October 22, 2013

FOA: Ka faa’idaysiga Kheyraadka Badda ayaa ka hor tag u noqon kara Macluul ku soo Fool leh Geeska Afrika”.


Washington(GNA)-Qaramada midoobey ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan khayraadka dalkooda si ay uga badbaadaan macalusha iyo dhibaatooyinka kale ee dhanka nolosha kala soo dersa.




Hay’ada cunada iyo beeraha qaramada midoobey ee FAO ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kalluunka cunnaan, taas oo sahli karta in laga hortago macaluusha laga cabsi qabo in ay ka qaraxdo gobolka xiliyada abaaraha.




FAO waxay xustay in xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu dheer qaarada Afrika, hay’ada ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay in si isku mid ah dadka loogu wacyi geliyo isticmaalka Kalluunka dalka, oo ka mid ah cunooyinka ugu fiican.




War-bixinta FAO ayaa lagu yiri “Muhiimada ugu weyn ee arrintan laga leeyahay waa sidii loogu dhiiri-gelin lahaa dadka inay khayraadka badda ula soo bixi lahaayeen, gaar ahaana dadka ku jira xeryaha barakacayaasha”.




Dowladda Soomaaliya ayey hay’adu sheegtay in ay la bilaabayso mashruuc lagu horumarinayo kalluumaysiga xirfadlayda Soomaalida, si dadka loogu jiheeyo isticmaalka khayraadka dalkooda gaar ahaan Kalluunka badda.




FOA ugu dambayntii waxay sheegtay in ay tababaro kala duwan siin doonto dadka Soomaaliyeed ee kalluumaysatada ah, waxaanay intaas ku dartay in ay bixinayso noocyo kala duwan oo qalab ah oo la gaarsiin doono, iyadoo dadkana la barayo sida loo jilaabto iyo habka loogu iib-geeyo suuqyada Caalamka.




Xeebaha Somaliya ayaa tan iyo bilowgii Bur-burkii dawladdii dhexe ee somaliya baylah badani la soo deristay, taasoo sababtay Budhcad badeed ka dilaacday iyo Kalluumaysi sharci daro ah oo lagu xaalufiyay meelaha qaar.




Boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii ka shaqaysan jiray Kalluumaysiga iyo kuwo kale oo ay isbahaysteen ayaa ku biiray Kooxaha ku mabay Qafaalashada Maraakiibta ku safraya Bad-weynta Hindiya iyo xeebaha Somaliya, taasoo la aaminsanyahay inay uga jeeb roonaatay Dabashada Kalluunka iyo waxyaabihii kale ee ay badda kala soo bixi jireen.




Kumanaan kale oo aan badankoodu wax fikrad ah ka haysan muhiimadda ka faa’idaysiga Kheyraadka Badda ku jira oo dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba looga faa’idaysan karo, ayaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyay Haraad, Gaajo iyo Haligaad kale ugu dhintay meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah iyagoo tahriib ku jira.




Madaxweynaha Dawladda Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud  ayaa dhawaan Shirweyne Dubai ka dhacay ku sheegay ka sheegay inay qaadayaan talaabooyin lagu dagaalamayo budhcad badeeda iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, waxaanu xusay inay sameynayaan mashaariic dhaqan celin loogu samaynayo kuwa ku jira baddaha ee Budhcad badeeda noqday iyo kuwa Berriga ku baylahsanba.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com