Tuesday, October 22, 2013

Boosaaso: Dablay Hubaysan oo Qof Dumar ah ku dilay Suuq Dahabka lagu Iibiyo


Boosaaso(GNA)Nin hubaysan ayaa la sheegay inuu qof Dumar ah ku dilay Suuqa Dahabka ee Magaalada Boosaaso, ka dib markii uu Rasaas ku furay Dumar badan oo halkaasi Meherado ganacsi ku haystay.



Warar kala duwan oo falkaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in Ninkaasi ka mid ah koox Shufto ah oo doonayay inay dhac ka geystaan suuqa ugu weyn ee Dahabka lagu Iibiyo, wara kalena waxay sheegayaan in qofka dilka geystay keligii suuqaasi weeraray.



Qof goob-jooge ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa Gobanimonews u xaqiiyay dilka Haweenayda suuqaasi lagu dilay, waxaanu sheegay inay Ciidanka Bilayska Puntland halkaasi hawl-gal ka bilaabeen qadar yar ka dib markii falku dhacay.



Goob-joogeyaasha ayaa intaasi ku daraya inay caawa Magaaladu degentahay, isla markaana aanu dilkaasi waxba ku dhimin Amaanka Magaalada, lamase xaqiijin in ciidanka amaanku qabteen qofkii weerarka geystay.



Magaalada Boosaaso ayaa ah Xarunta ganacsiga ee Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ku taala dekedda ugu weyn ee baddeecaduhu uga soo degaan, kana dhoofaan.



Amaanka Magaalada ayaa horaantii sanadkan si weyn dayrin jiray, balse bilihii ugu dambeeyay ahaa mid degen oo ka duwan sidii wakhtiyadii hore.



Gobanimonews



Boosaaso Office



Email: editor@gobanimonews.com