Thursday, October 17, 2013

Burco:Xuska Maalinta Shuhadada SNM


Burco(GNA)-Xus loogu magacdaray Maalinta shuhadada SNM oo loo asteeyay 17 oct oo ku beegan17/10 1984 maalintii u dhintay Mujaahid Maxamed Xaashi (lixle) oo ay dagaal qadhaadhi ku dhaxmaray degaanka Burco duuray Ururkii SNM iyo dawladaii Siyaad Bare ayaa lagu qabtay Hotel Aloore ee Magaalada Burco.




Xuskan oo ahaa Mid aad loo soo agaasimay isla markaan nasiib u helay inay kasoo qayb  galaan Xubno badan oo iyagu maalintaas oo ahayd maalin qadhaadh isla markaana ahaa dagaalkii koowaad ee ugu adkaa ee ay iskaga horyimaadaan Ururkii SNM iyo dawladii siyaad Barre,ayaawaxaa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka ka degmada,Abwaano,waxgarad iyo waliba qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM.




Ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay Maayarka Magaalada Burco Mujaahid Maxamed Muraad waxaanu Yidhi''waxaan idinleeyahay hadii aad tihiin dadkii ka hadhay SNM waa inaad isku kalsoonaataan,oo kiina meel tago  aad taageertaan,SNM nawaxaan leeyahay wixii ka xumaaday iyadaa iska xumaysay,yaanay dib idiinka Xumaanin,waxaanu maayarku xusay inay dadkii soo halgamay tabaalaysan yihiin isla markaan waxa uu xusay inay la yimaadaan isku duubni si wax loogu qabto.




Taliyaha qaynta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Ilkacase ayaa isna wax hadaladiisii ka mid ahaa''waxaan leeyahay SNM dad badan oo marka sida Xun loo adeegasado aan raali ka hayn baa jira laakiin iyadoo aan ceeb lahayn baa xaq loo leeyahay in wadankani wixii loo soo maray la xuso oo la ogaado,waana ognahay in wadankan ay dad badan oo kala jaad jaad ahi deganyhiin maamta Madaxwaynahan dadka haystaa wax uu ahaa Hogaamiyhii SNM maantan waa madaxwaynihii Somaliland.SNM na waxay ka koobnayd dad kala jaad ah aalagu kala badnaado ama halagu kala yaraado maantana waajibaadkii ay lahayd way Gudatay Cidna uga Dul qaadan mayno wixii ay kusoo tabacday inay dumaan.




Mujaahid Faarax Siciid Sulub(Ifiso) oo isagu dagaalkaas qadhaadhaa ee Burco Duuray ku sugnaa ayaa ka sheekeeyay waayihii adkaa ee maalintaas taas waxaanu sheegay inay maalintaasi ahayd maalintii uu bilaabmay inay SNM ogaato awoodeeda isla markaan ay dawladii Faqashtu iyana uu dhacay jabkeedii ugu waynaa isla markaan ay ahayd maalintaasi maalin aan la ilaawi karin,waxaanu faarax sheegay in ay maalintaas ku dhinteen 31 Muaaid oo uu ku jiro Muj'Lixle.halka  buu yidhi ay ciidamadii siyaad bare uu ku dacay jabkii ugu waynaa.




Gudoomiyaha Sooyaal Muj-Jaamac Shawr Cilmi,ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay leedahay xuska maalintani,waxaanu aad ugu maadnaqay Dawlada hoose ee Burco oo uu sheegay inay Xuskani kala qayb qaadatay.




Abwaan Hurre Walanwal,Garyaqaan Bile,Mujaahid Cadaawe,Muj'Xays,ayaa iyana ugu danbayntii aad ugu deeraaday qiimaha ay maalintani leedahay waxaany ilaahay uga baryeen in intii ku nafa wayday ilaahay u naxariisto.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office