Thursday, October 17, 2013

Amnesty International oo sheegtay in Boqolaal qof oo Qaxoonti Syrian ah Tacadi loogu Geystay Masar


Qaahira(GNA)-Hay’adda Amnesty International ayaa Dawlada Masar ku eedeysay iyo inay xadhig sharci daro ah iyo talaabooyin kale oo ka baxsan Xuquuqda Aadamaha kula kacday Boqolaal Qaxoonti Suuriyaan ah oo dalkooda uga soo qaxay Dagaalada sokeeye ee ka socda.




“Halkii ay u diyaarin lahaayeen Adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin qaxoonti ahaan, una qaabili lahaayeen, Maamulka Masar way xidh-xidheen dadkaasi, waanay celiyeen, taasina waa mid ku xad-gubaysa qawaaniinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha”sidaasi waxa yidhi Sarkaal sare oo ka tirsan Amnesty oo magaciisa la yidhaahdo Sherif Elsayed Ali.




Hay’ada ayaa sheegtay inay dadkaasi u badan yihiin Dumar iyo Caruur nabad-gelyo doon ah, kuwaasoo qayb ka ah boqolaal kun soo Syrian ah oo ka qaxay Dagaalka u dhexeeya dawlada Bashar asad iyo Mucaaridka ka soo horjeeda.




 “waa arin aad u fool xun marka laga hadlayo shuruucda Caalamiga ah ee Ilaalinta qaxoontiga”ayuu hadalkiisa raaciyay Ali.




waxaanu sheegay in Boqolaalka qof ay waajaheen Xadhig meelo xun lagu xabisay iyo celin lagu celiyay dalkii ay ka soo qaxeen.




Dhinaca kale, Hay’adda  Qaxoontiga qaramada midoobay u qaabilsan ee NHCR,ayaa sheegtay in 946 oo dad qaxoonti ah lagu xidhay Masar, kuwaasoo 724 ka mid ah xukun sharci daro ah lagu xukumay.




Hay’addu waxay sheegtay in Xabsiyo Bilays oo ku yaala Magaalada Alexandria ee dalka Masar loogu tegay Maxaabiis Syrian ah oo hab sharci daro ah oo aan qeexnayn ugu xidhan.




Maamulka Masaarida ayaa sheegay inay in ka badan Boqol kun oo qaxoonti Syrian ah dalkaasi laga qaaday iyadoo loo gudbiyay  dhinaca waddamada Yurub,halkaasoo ay u raaceen Maraakiib waaweyn oo lagu qaaday.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com