Monday, July 28, 2014

Olole lagu quudinayay Danyarta Bishii Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyay Burco


[caption id="attachment_91813" align="alignleft" width="400"]Guddida oo ku dhawaaqday dadka ay caawiyeen Guddida oo ku dhawaaqday dadka ay caawiyeen[/caption]Burco(GNA)-Xubno ka mid ah Ganacsatada,Aqoonyahanada,Culimada iyo Saxaafada Gobolka Togdheer oo iskood isu xilqaamay ayaa Magaalada Burco kusoo gabagabeeyay  qorshe lagu quudinayay  Bisha Rabadaan dadka Tabaalaysan ama Foqorada iyo masaakiinta ku nool Magaalada Burco.




Xubnahan oo bilashadii Bisha Ramadaan Abaabulkooda bilaabay, ayaa  maanta shir jaraa,id ku qabytay Magaalada Burco, waxaanay u mahadnaqeen shirkadihii iyo  dadkii ololahaas ka qaybqaatay ee dhaqaalahooda u huray in ay helaan waxay ku soomaan Bisha barakayasan ee rabadaan dadka baahan,iyagoo caddeeyay in ay raashin gaadhsiiyeen qoysas tiro badan intii hawshu socotay.




[caption id="attachment_91812" align="alignleft" width="400"]waxay raashin gaadhsiiyeen qoysas tiro badan waxay raashin gaadhsiiyeen qoysas tiro badan[/caption]
Sheekh Cali mawliid oo ka mid ah Culimada isu xilqaantay in ay helaan raashin oo ka hadlay siday hawshan ku bilaabeen ayaa yidhi''Bisha rabadan ee barakaysan ayay waxgarad isu yimi isla qaateen inay caawiyaan dadka ay ku adagtahay inay helaan afur ku filan,kuwaas oo iygu iska Bilaabay,waxa kale oo iyana lacag laga guray oo ka qaybqaatay oo aanu u mahadnaqaynaa,shirkadaha ay ka midka yihiin,Dhabshiil,Shirkada Laydhka ee HECO,Telesom iyo shirkada Ilays,iyo ganacsatada Magaalada Burco,lacagtaas oo aanu ku iibinay Cuno aanu siinay reer walba raashin ka kooban Bariis,Sonkor,Daqiiq,Timir iyo saliid,waxaanan raashikaas siinay qoysas Tiradoodu dantahay 325 Qoys.baahida taala iyo dadkaanu wax gaadhsiinay iyo baahida taalaa aad bay u kala badantahay,hase ahaatee waxaanu awoodayada ku dedaalay inaanu caawino kuwa ugu liita,sidaas awgeen hawshii aanu wadnay halkan maanta ayaanu kusoo gabagabaynaynaa,laakiiin waxaa dhici karta inaanu caawino cid kasta oo doonaysa inay caawiso dad masaakiin ah waayo waxaa noo korodhay aqoon.
Cali Mahdi oo isna ka mid ahaa dadka hawshaas Masaakiinta lagu caawinayo ka shaqeeyay ayaa isna yidhi''waxa jira dad badan waxay leeyihiin dad waalan,dad agoomo ah,kuwo Buka iyo kuwo baahan  oo aan waxba haysan waxaanay  u baahanyihiin in la caawiyo,raashinkaas aanu siinay meel kale kamuu iman ee inaga dhexdeena ayuu ka yimi,dad reer Burco ah oo kal duwan ayaa laga uriyay,taasi waxay ku tusinaysaa in dadkeenu uu wax is tari karo,waxaan kusoo gabagabaynayaa in wax laystaro oo lays ogaado ,
Axmed Cige Yare,Xirsi Saalax,Mahad Nuux,Axmed Sakaaro oo dhamaantood ayaa iyana waxay Bulshada ugu baaqeen in lays caawiyo maadaama ay jiraan dad badan oo aan iyagu waxba haysan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com