Wednesday, July 30, 2014

Gabadh 25 Jir ah oo isku Dishay Muqdisho


MuqdishoMuqdisho(GNA)-Haweenay da’deeda lagu sheegay 25 geeriyootay kaddib markii ay isku deldeshay gurigooda dhexdiisa.




Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday Maanta Xaafadda Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu qoyskoodu degenyahay.




Lama oga sababta ay falkaasi isugu khaarajisay Marxuumada dhimatay oo aanay wali warbaahintu aqoonsan magaceeda iyo ka qoyskeeda.




Hase ahaatee dadka deegaanka war laga helay ayaa tibaaxaya inay Gabadhaas qol hoosta iskaga soo xidhay kaddibna xadhig iska soo laalaadisay.




Mareegta All Banaadir war kale oo lagu baahiyay ayaa sheegaya in khilaaf ka dhexeeyay qoyskooda ay isku dishay.




Dhacdooyinka noocan ah ayaan beryahaa lagu arag Magaalada Muqdisho, falkinana u noqonayaa bilow mar kale.