Monday, July 28, 2014

Cabdiwali Sheikh: Ciidu waxay ku soo beegantay xilli dalku meel adag marayo”


Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Ummadda Soomaaliyeed ugu Hanbalyeeyey Munaasabadda Ciidul Fidriga




ReysalMuqdisho, 27, July, 2014-(GNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta Islaamka ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga.




Beyaan ka soo baxay Xafiiska Reysal-wasaaraha Caawa ayaa ku sheegay in ciidani ku soo beegantay xilli dalku meel adag marayo.




Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in ay ciiddan Cideeda ku gaaraan nabad iyo horumar , isla-markaasina ay ka adkaadaan cadawgooda ka hortaagan nabadda iyo dowladnimada.




Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in Cidda Fidrigu tahay munaasabad sannad leh oo dadka Muslimiintu ku soo afmeeraan bisha barakaysan ee Ramadan, iyagoo farxad iyo damaashaad ku sagootinaya bishaasi.




Waxaanu  ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in faraxadda Ciiddul Fidriga awgeed ay is gargaaraan, kana wada qayb-galaan wixii wanaag u ah ummadda iyo waddanka, iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo dhaawacaya dalka iyo nabaddiisa.




 “ Hanbalyo, waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hanbalyeynayaa munaasabaddan Ciiddul Fitriga, waxaan idiin rajaynayaa inaad nabad iyo farxdad ku ciiddaan. Waxaan ka soo baxnay bil barakaysan oo cibaado, inagoo ku soo khatimayna munaasabaddan farxadda leh.




“ Waxaan shacabka Soomaaliyeed leeyahay ciiddan ciideeda ku gaara nabad, horumar iyo barwaaqo. Waxaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay is gacan qabtaan oo is taakuleeyaan.




“ Munaasibaddan ciiddu waxay ku soo beegantay iyadoo waddanku marayo xilli adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ku dhintay xilligii la soo dhaafay iyagoo gudanaya waajib qaran. Dowladdu waxay waddaa qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo ammaanka qaranka.”ayuu yiri RW. Cabdiwali sheikh.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




Ciid Mubaarak W Kulli Caam Wa Antum Bikheyr.