Friday, July 25, 2014

Nin Reer Burco ah oo xalay lagu Dilay Muqdisho


Dad rayid ah iyo Askar lagu laayay weerarro  kalal duwan oo xalay ka dhacay Muqdisho..




Muqdisho(GNA)-Wararka naga soo gaaraya Degmooyinka Wardhiigley iyo wada-jir ayaa sheegaya inay xalay halkaasi ka dhaceen dilal gooni gooni ah oo lagu laayay dad rayid iyo askar isugu jira iyo weeraro kale oo lagu qaaday fadhiisimo ciidan.




Mid ka mid ah tiro dad ah oo xalay lagu laayay Muqdisho ayaa lagu sheegay Nin ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan Magaalada Burco, kaasoo dablay hubaysani toogatay, walise wararka la xidhiidha dilkaasi faahfaahin rasmi ah lagama hayo.




Dhinaca kale, dablay Bastolado ku hubaysan ayaa laba askari ku toogtay meelo ka tirsan degmooyinka wardhiigley iyo Wadajir.




Dhinaca kale. Qaraxyo iyo Rasaasta Culculus, ayaa laga maqlaayay Habeenimadii xalay Xaafado ka tirsan Magaalada Degmada Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir.




Dagaal u dhexeeyay  Ciidamada Dawladda iyo Alshabab ayaa la sheegay inuu ka dhacay wadada warshadaha, Carafaad iyo Ceymiska.




Ilaa laba askari oo kuwa dawladda ah ayaa warbaahinta qaar sheegtay inay ku dhinteen inta la hubo dagaalkaas.




Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamay, oo faahfaahinaya dagaalka, hase ahaatee dhaqdhaqaaq ciidan iyo baadhis ayaa laga dareemayaa meelo ka mid ah deegaamadii xalay lagu dagaalamay.




Ammaan darada Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa marba marka ka dambeysa, waxaanay ahayd maalin ka hor markii duhur cad badhtamaha Magaalada lagu toogtay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ah ahayd xubin Taariikh weyn ku leh Somalia.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com