Saturday, July 26, 2014

Wasiir Cukuse oo TV-ga Qaranka ka joojiyay Bandhig-faneedkii Xiddigaha Geeska ee Ciida?


Xukuumadda oo Siyaasaddeysay Waraysi-fanneedyo ay bixiyeen iyo  Jawaabta kooxdu ka bixisay




[caption id="attachment_91642" align="alignleft" width="300"]Kooxda Fanka ee Xiddiga Geeska oo dhan Kooxda Fanka ee Xiddiga Geeska oo dhan[/caption]Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay siyaasaddeysay Heeso cusub oo laga duubay Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska oo laga xayeysiiyay Telefishannada UNIVERSAL oo ay  xukuumaddu dalka ka xayirtay iyo Talefishanka Dawladda Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay Kooxdu Heeso cusub u qabteen.




Mid ka mid ah Wargeysyada afka Dawladda ku hadla (Somalilandtoday), ayaa dhaleecayn iyo gef ku tilmaamay Barmaamujkaasi oo uu ku sheegay waraysiyo ay bixiyeen xubno ka mid ah Kooxda oo ay labada Telefishan ku waraysteen Hargeysa, kagana duubteen barmaamujyo ay ugu talo-galeen Habeennada Ciida.




Somalilandtoday, ayaa warbixinta uu qoray ku xusay inay Fanaaniinta Xiddiga Geesku waraysiysdaas ay  siiyeen Warbaahin dalka ka madnuuc ah, inkasta oo Xayeysiisyada ka baxay Telefishannadu aanu ahayn Waraysiyo ee ay Heeso yihiin. Taasina Warka wargeysku qoray ka dhigaysa weerar lid ku ah Kooxda oo aan xaqiiqda ku salaysnayn.




Wasiir Cukuse




Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa maanta markii arrintan uu wargeysku qoray joojiyay Barmaamuj kooxdu ku qaban lahayd Telefiishanka Qaranka Habeenka Ciida.




Ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay Wasaaradda Warfaafinta ayaa  tilmaamay in Wasiir cukuse Barmaamujkaasi u joojiyay sababo aan caddeyn, balse loo sibirsaarayo inay ka dhalatay xasaradda Wargeyska Somalilandtoday faafiyay oo loo aanaynayo inay ashkhaas xukuumadda ka tirsani dabada ka riixayaan.




Jawaab celinta Kooxda




Afhayeen u hadlay Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay in la siyaasaddeynayo Heesahan cusub ee ay u duubeen Telefiishanada oo aanay iyagu wax ujeeddo ah ka lahayn.




Ninka u hadlay Kooxda Xiddigaha Geeska oo soo saaray war kooban ayaa ku doodday inaan Fanka Fannaaniintani ku koobnayn Somaliland qudha, hase ahaatee ashkhaasta ku bahowday kooxdu ay yihiin dad u dhashay Somaliland oo waddaniyiin ah.




 "Wararka suuqa la soo galiyay-waa warar la siyaasadeeyay fanka iyo siyaasadana in la kala saaraa haboon." Ayuu yidhi Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jeylaani).




 Isagoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi - "Kooxda xidigaha geesku waa koox faneed ka madaxbanaan siyaasada .dadka af iyo dhaqan wadaagta leh ee somaliduna way na wada dhagaystaan oo suugaantayadu xad ma leh laakiin qadiyadayada ayaa xad leh oo koox reer Somaliland ah ayaan nahay. "Qarankana jiritaankiisa anagaa jecel isalamarkaana cid walba uga lexejeclo badan Markaa dadka waxaan dadkayga reer Somaliland la socodsiinayaa in ay kooxda xidigaha geeesku tahay koox qaranimada somalilandd u taagan mar kasta."




Mr Jaylaani afhayeenka kooxda xidigaha geesku waxa uu intaa ku daray "fanaanka C/nuur alaale heesihiisa tv-yada waa laga soo daayaa oo Somalidu way dhagaystaan – laakiin dal ahaan waa fanaan reer jabuutiya oo calankiisa iyo ciidiisa ku abtirsada anaguna sidaasoo kale heesahayagu meel kasta waa laga soo daynayaa laakiin fanaaniin reer Somaliland ah ayaanu nahay ee taasi cidnaba yaanay mugdi ka galin fanka iyo siyaasadana ha la kala saaro."




Waxaanu intaasi ku daray “Waad ka warqabtaan Xuasaskii kala duwanaa 18 may iyo 26 June heesihii waddaniga ahaa ee Xiddigaha Geesku ku soo bandhignay iyo heesaha kale ee ay bulshada kaga wacyigeliyaan arrimo ay ka mid yihiin Tahriibla, kuna dhiirigeliyaan mujtamaca.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dhinaca kale, Kooxda Xiddigaha Geesku waxay beeniyeen inay  Mushahar joogto ah ka qaataan Wasaaradda Warfaafinta, sida Wargeysku qoray, waxaanay tilmaameen inay Barmaamujyada Qaran iyo Munaasibadaha kale, sida kuwa Xilliyada Ciida kala qayb qaataan TV-ga Qaranka oo ay ku qabtaan bandhig Fanneedyo.




Kooxda Xiddigaha Geeska




Kooxdan oo muddo sanaddo ah hada ka dhisnaa  Somaliland, fadhigooduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa ah Naadi si weyn ay Bulshadu u xiisayso Suugaantooda, isla markaana calanka u sida dhinaca fanka Geeska Afrika wakhtigan.




Waa Koox Fan ahaan iyo qaabka ay u dhisanyihiin, isla markaana barmaamujyaddooda isugu duba-ridaan  dadku aad u jecelyihiin.




 “Xiddigaha Geesku dee waxaad tihiin Koox isku filan ah, mar hadaad idinku heesihii samaynaysaan, laxamaynaysaan,Music-gii saaraysaan, oo wax idinka maqaniba aanu jirin”sidaasi waxa tidhi Wariyaha Bushaaro Cali Baande oo bandhig ban-dhig ku waraysanaysay koox ka mid ah Xiddigaha Geeska.




Ma jiro sharci u diidaya inay bandhig fanneedyo u qabtaan Telefishano laga leeyahay dalal kale iyo kuwo madaxbanaan toona, fankuna wuxuu ka mid yahay waxyaabaha aan u kala xadeysnayn bulshooyinka somalida.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com