Tuesday, July 29, 2014

GAZA: Boqol qof in ka badan ayaa lagu dilay maalintii ee Ciidda


[caption id="attachment_91918" align="alignleft" width="400"]muuqaalka GAZA muuqaalka GAZA[/caption]GAZA(GNA)-In ka badan Boqol qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Duqeymo Milateriga Yuhuudu ka wadaan GAZA maalintii labaad ee Ciidda.




 




In ka badan 60 gantaal, ayaa diyaaradaha Israel ku tureen goobo ay sheegeen inay ku dhuumanayaan Dagaalyahanada Ururka XAMAS.




Ciidamada Yuhuuda ayaa duqeeyay Guriga Reysal-wasaaraha  Falastiin kana mid ah hogaamiyeyaasha Ururka Xamaas ismaaciil haniyah.




Wakaaladdaha wararka ayaa sheegaya in duqeyntaas lagu laayay carruur ku jirta Guriga Ismaaciil Haniyah.




Duqeymahan ayaa ku soo aaday xilli Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay  Ban Kin Moon uu ku baaqay Xabad joojin shuruud la’aan labada dhinacba, kaddib qaraar uu soo saaray Golaha Ammaanku.




Hogaamiyaha Diinta ee IRAN Ayatulah Cali Khumayni ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay Xasuuqa lagu hayo dadka Reer Falastiin.




Cali khumaynii ayaa Muslimiinta adduunka ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan xasuuqaas, waxaanu  soo jeediyay in Ciidamo ka garab dagaalama kuwa Kooxaha wax iska caabinta loo diro dalka falastiin.




UN




Qaar ka  mid Shaqaalaha gargaarka ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay in lagu laayay weerarrada sii socda, kaddib markii duqeymo lala beegsaday goobo ay degenaayeen.




Sidaasi waxa Bogga Twitter-ka ku sheegay afhayeen u hadlay Kooxda Qaramada midoobay ee GAZA Chris Gunness.




In ku dhow shan iyo konton Guri ayaa la bur-buriyay deegaanka RAFAX oo dhinac  koonfur kaga beegan GAZA, waxaana la rumaysanyahay in dad badani ku dhinteen duminta Guryahaasi oo ay ganaaleyaal la eegteen, sida ay BBC-da u sheegeen Saraakiisha ammaanka ee Falastiin.[caption id="attachment_91917" align="alignleft" width="400"]dhalinyaro deegaanka RAFAH Dadka u gurmanaya dhalinyaro deegaanka RAFAH Dadka u gurmanaya[/caption]




“ bur-burinta dhagaxu ma joojinayso dagaalka, waanu sii wadaynaa wax iska celinta, ilaa aanu xoriyad helayno”ayuu Ururka Xamaas ku sheegay Qoraal lagu baahiyay website-kooda.




Dunida Islaamka oo dhan ayaa si weyn uga cadheysan xasuuqa sii socda ee Yuhuudu ku hayso dadka reer falastiin.




Somaliland




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo Khudbadii Salaadda Ciida ee shalay, kaddib Khudbad ka jeediyay musjid Jaamaca weyn ee Hargeysa ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada lagu hayo Falastiiniyiinta ee GAZA.




Saylici oo ah ku-simaha Madaxweyneha Somaliland ayaa muujiyay dareen la mid ah kan ay caalamka Islaamku ka joogaan xiisada ka oogan bariga dhexe iyo daanta Galbeed.




Madaxweynaha Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo waxa uu ugu yeedhay xasuuqa, isla markaana la raadiyo xal nabad iyo degenaanshiyo lagu gaadhi karo.




Madaxda Soomaalida iyo kuwa kale ee Caalamka Islaamka ayaa sidoo kale sii wada cambaareynta duqeymaha aan kala joogsi lahayn ee ka sii socda Falastiin.




Dhimashada falastiiniyiinta 22 maalmood




1,115 Ruux oo badankoodu yihiin Rayid ayaa ku dhintay Dagaalka , sida ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com