Saturday, July 26, 2014

Waa Boqol Yuhuuduye Ragbaa Biirinaayoo, Baarka U Fidhaayee Barqo Laguma Gaadheen!!


Waa Boqol Yuhuuduye Ragbaa Biirinaayoo Baarka U Fidhaayee Barqo Laguma Gaadheen,Bushimaha Dushoodiyo Been Weeye Nabadu Baaruuda Qiiqdiyo Bundukh Weeye Dunidu.




 




cabdirisaaq suudiMaalmahan u danbneeyey waxaa warbaahinta caalamka haystay oo laga baahinayey xasuuqa ay yuhuudu ku hayso falastiiniyiinta ee ka socda marinka qasa ,xasuuqa noocan oo kale  ahina maaha mid ugub ah ,ee waa mid curad ah oo wakhtiyo badan oo hore yuhuudu ay kula kacday falastiiniyiinta.




Inta badan waxaynu maqalnaa wada hadalo loogu magacdaro nabad raadinta bariga dhexe ,oo ay hormood u yihiin maraykanka iyo ingiriisku ,dhinacyada isku haya bariga dhexena waxa lagu sheegaa falastiin iyo israa’iil xaqiiqadu se sidaasi way ka fog tahay,qadiyadda bariga dhexe marka si rasmi ah ,loogu undo dago waxaad ogaanaysaa israa’iil maraykanka ,ingiriiska iyo guud ahaanba wadmada reer galbeedka iyo gaalada oo dhami in ay ka mideysan yihiin oo mowqif kaliya ay ka wada taagan yihiin qadiyadda bariga dhexe.




Waxayna rumaysan yihiin haddii israa’iil laga waayo bariga dhexe ama ay awoodeedu wiiqanto in gobolka bariga dhexe uu noqon doono qalcad ay awood ku leeyihiin , mausliyiinta ay iyagu ay u yaqaanaan xag jirka isla markaana ay isu bedeli doonto goob laga faafiyo diinta islaamka.




Sidoo kalena yuhuuda iyo gaaladoo dhami waxay mawqif isku mid ah ka taagan yihiin gacan ku haynta masjidka barakaysan ee misjidu aqsa oo ay rumaysan yihiin hadii uu gacandooda ka baxo in ay waayi doonaan barkhadda iyo badhaadha ay aduunka ku haystaan ,sidoo kalena masjidkaasi barakaysan ee masjidu aqsa oo gacantooda ka baxa waxay ula mid tahay ,iyadoo muslimiin ay xag jirka ku tilmaamaan ay qabsadeen caasiamdaha dawladaha reer galbeedka ama magaalooyinka waaweyn ee reer galbeedka.




Hadaba saaxiibayaal marka uu xaalku sidaasi yahay side la isku waafajin karaa duqeyntan arxan la’aanta ah ee ka socota marinka qaza iyo wada hadalada baridha dhexe ee ay hormoodka ka yihiin maraykanka iyo ingiriiksu ?, taasi jabaabteedu way fududahay waxa lagu sigeyn karaa hal ku dhigii sanadkii 1977-kii ay isticmaali jireen xamaaliintii ama geelihii berbera ee ay odhan jireen.




 Jawaan Xalay Guday Oo garooma leh baadi goobaay




Meel uu  xalay maray oon midh kaga dhicin Meehanaabaay.




Eelka kii dhigay u dacwootooy .




Dhinaca kale hadii aynu istka taagno dhexdhexaadinta maraykanka iyo ingiriiska waxa lagu sigayn karaa mid ka mid ah maansooyinkii Allaha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ee uu yidhi.




Nin dawee la leeyahay danbi uu badh leeyahay




 xalka doon la leeyahay ,daaraanta mililka leh




in uu daaro ma ogola oo isagay u daran tahay.




Akhrsitow wax qarsoon maaha in ciidamo mataykan ahi ay ku dhinteen marinka qaza kuwo noolna lagu qabtay,taawarka laga hago bariga dhexe ee laga bixiyo amarada duqeynta falastiiniyiinta lagu hayo waxaa xarunta mataykanka ee Washington DC.




Tusaale ahaan sanadkii 1982-kii yuhudu waxay xasuuq baahsan u geystay falastiiniyiinta oo ay yhuudu ku xasuuqeen dad ka badan 3000 kun oo qof oo falastiniyiin ah, oo ay ku dileen marinka qaza iyo xeryihii qaxootiga falastininyiintu u carareen eek u yaalay dalka lubnaan ee la kala odhan jiray SABRA IYO SHANTIILLA duqeyntaasi waxay socotay mudo kooban ,xiligaasi waxa wasiirka gaashaandhiga ee israa’iil ahaa ERYAL SHARON oo markii danbana israa’iil ka noqday raysal wasaare .




Hadaba muuqaaladii argagaxa badnaa iyo dhimashadii xaddhaafka ahayd waxay sababtay in madax badan oo caalamka ah oo muslim iyo gaalaba isugu jira ay telefanka kula hadleen raysal wasaarihii israa’iil ,wuxu se si cad ugu sheegay in uu aqbalayo dalab kaga yimaada madaxweynihii maraykanka ee xiligaasi RONALD REGAN.




Hadaba markii madaxda caalamku ay la hadleen madaxweynihii maraykanak mr REGAN ayuu isaguna telefanka kula soo hadlay raysal wasarihii israa’iil oo uu u sheegay in ay duqeynta ka joojiyaan ciidmada israa’iil marinka qaza iyo xeryaha qaxootiga ee SABRA iyo Shantiilla Raysarihii yuhuuduna wuxuu markiiba amar siiyey wasiirkisii difaaca oo ahaa ERYAL SHARON waxana markiina si deg deg ah loo joojiyey duqeyntii ay ciidmada israa’iil ku hayeen reer falastiin,hadaba duqeyntan maanat socotaana waxba kama duwana taasi hore, marka kadibna waxaan xasuustay sanadkii 1973-kii oo ahayd markii dagaalka ba’ani dhex maray carabta iyo yahuudda ayuu allaha u naxariistee Abwaankii yusuf Xaaji Adan Qabile uu tiriyey heestan soo socota oo ka waramaysay xaqiiqada dhabta ah ee jirta.




Waa Boqol Yuhuuduye Ragbaa Biirinaayoo Baarka U Fidhaayee Barqo Laguma Gaadheen




Israa’iil ma boodeen bari dhexe intuu dego birta kuma afaysteen




Carab uma badheedheen




Baytkii ilaahay iyo barxadii rasuulka waxaan loo baneyn iyo makhti kuma dhex kariyeen.




Batar kuma ciyaareen barbaarada ma laayeen kaare kuma burburiyeen hadaan muruqa buuxiyoo isticmaar ku baal jirin bayda u garaaceyn .




Afrikaay is biirsoo isa soo bayhaysoo ninka baal u leexdana basar wax ugu sheegoo u balama dagaal.




Bushimaha dushoodiyo been weeeye nabadu baaruuda qiiqdiyo bundukh weeye dunidu .




Waa bahal gumaystuhu kala baahsanaantiyo baylahdaada jeceloo




Markuu baadka kula helo kaa boga qaniinyada ,burka kuu dhex galaya




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland