Monday, July 28, 2014

Hargeysa: Tukashada Salaada Ciidda kaddib, waa sidee Jawigu maanta?


SALAADA CIIDA1Hargeysa(GNA)-Boqolaal kun oo ruux oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa isugu soo baxay goobaha lagu oogayey Salaadii Ciidul-fidriga.




Hargeysa




Boqolaal kun oo ruux oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa isugu soo baxay goobaha lagu oogayey Salaadii Ciidul-fidriga.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna kusimada Madaxweynaha ayaa salaada Ciida kala qayb galay boqolaal qof oo ku dukaday Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaasoo uu Madaxweynuhu khudbad dheer uga jeediyay.




Cabdiraxmaan Saylici ayaa khubadiisa kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Xiisada ka aloonsan Marinka Gaza ee Bariga dhexe iyo arrimo kale.




Saylici ayaa Khubadiisa kaga waramay horumarka dhaqaale, siyaasaddeed iyo nabad-gelyo ee dalka, isagoo dhanka kalena carabka ku balaadhiyay jawaab ka dhan ah Dhaliilaha Mucaaridku u jeediyaan Xukuumadda.




“Mudo 23 sanadood ah ayuu qarankani soo jiray dedaal adag ayuu soo galay, gacmihiisana wuu isku taagay isaga oo aan wax taageero ah ka helin caalamka, walina waxa inoo dhiman waddo dheer oo ah himilada aynu higsanayno ee ah inaynu gaadhno qaran madax banaan, taasina waxay ku imanaysaa dedaal dheer, wada jirkeena, wax wada qabsigeena iyo  inaga oo dhinac u wada jeedsana, iyada oo umada Somaliland ay leedahay cadaw badan, walaalaheena somaliyeed ee aynu ula tagnay calankii aynu qaadanay 26 june waa dadka koowaad ee ka xun in qaranimadaas aynu samaysanay ay taam inoo noqoto,  maadaama oo cadawgeenu badan yahay waxaa loo baahan yahay inaynu si wada jira gacmaha isku qabsano  oo  maskaxdeena iyo muruqeena  aynu ku soo dhisnay dalkeena aynu sii wadno.”ayuu yidhi.




Waxaanu isagoo Mucaaridka u jawaabaya yidhi “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa laynoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa ,bina aadanka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayana wax way ka qaldani doonaan laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.”sAYLICI SALA sAYLICI SALADA




Salaadda Kaddib




Dadka ayaa markii ay Salaadda ka soo dareereen soo buux dhaafiyay goobaha lagu kulmo ee Shaaha, Sharaabka iyo cuntooyinka fudud lagu iibiyo, meelahaasoo lagu arkayay waayeel tiro badan oo wata Carruur yar-yar iyo waaweyn isugu jira oo si fiican loogu soo lebisay.




Culimada ayaa Khubaddo kala duwan oo ay kaga hadlayaan qiimaha Ciidul-fidriga u jeediyay dadweynaha, waxaanay alle uga baryeen inuu ka aqbalo Soonkii Bisha Ramadaan.SALAAD CIDA3  SALAADA CIIDA2 SALAADA




Madaxda Asxaabta Siyaasadda, Golleyaasha kale ee Qaranka, Xildhibaano iyo Madaxdhaqameedyo ayaa sidoo kale dadweynaha kala qayb-galay Tukashada Salaada Ciida, kuwaasoo iyaguna dadweynaha ku hambalyeeyay Munaasibada Ciida.




Jawiga Magaalada ayaa ah mid degen oo ay dabaal-degyada maalintii koowaad ee Ciidu ku bilaabeen nabad-gelyo iyo reyreyn.




Dhinaca kale, Magaalooyinka dalka oo dhan ayaa laga soo sheegayaa inay shucuubta ku dhaqani Salaada ku tukadeen Masaajida iyo fagaareyaasha kala duwan, iyadoo farxada ciidu jawi nabad-gelyo ku bilaabantay dhamaan deegaamada oo dhan, sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha Gobanimonews ee Gobolada iyo degmooyinku.




Masuuliyiinta dawladda ee heer Gobol, mid degmo iyo weftiyo dawladda dhexe ka socda ayaa shacbiga gobollada kala qayb-galay Salaada Ciidul-fidriga iyo dabaal-degyada faraxada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com