Sunday, July 27, 2014

Xukuumadda oo Shaqaalaha Dawladda Mushaharkii u soo qadintay Bishan


[caption id="attachment_91717" align="alignleft" width="300"]Xafiiska Wasaaradda maaliyadda Xafiiska Wasaaradda maaliyadda[/caption]Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa u soo qadinta Bishan shaqaalaha dawladda Mushaharkooda si ay ugu ciidan.




Bixinta Mushaharka Shaqaalaha ayaa bilaabantay laba maalmood ka hor, iyadoo ay ilaa maanta shaqaalaha kala duwan ee Hay’addaha dawladdu qaadanayeen Mushaharkoodii oo Xaqul Ciid looga dhigay.




Mid ka mid ah Shaqaalaha dawladda oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan mushaharka loo soo qadimay ayaa Gobanimonews u sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in bishan Musharakooda la siiyo xilli ka horeysay wakhtigii ay qaadan jireen.




Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo maanta booqday qaar ka mid ah Xafiisyada dawladda ayaa la kulmay shaqaale Mushaharkooda Kayuu ugu jira xilli shaqada laga sii rawaxayay.




Shaqaalaha dawladda ayaa Mushaharka la siin jiray 1 ilaa 10 Bisha inta u dhaxaysa, inkasta oo ay wakhtiyada qaar aad uga raagi jirtay.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku guulaystay tan iyo markii ay talada la wareegtay Ilaalinta Mushaharka Shaqaalaha dawladda oo ay inta badan wakhti ku haboon bixiso, halka xukuumadii Rayaale Sanadihii u dambeeyay ee muddo xileedkeeda ay billo isku gaadhsiin jirtay.




In  Xukuumadda Siilaanyo xil weyn iska saarto Mushaharka Shaqaalaha dawladda waxa dariiqa u jeexay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, kaasoo waxyaabaha uu qabtay ay sidoo kale ka mid tahay mushahar kordhinta Shaqaalaha iyo kor u qaadista Dakhliga Dawladda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com