Monday, July 28, 2014

Nuxurka Wareegtooyin isburiyey oo Khilaaf hor leh ka dhex abuuray Siilaanyo iyo Saylici


Saylici oo Gurigiisa ula wareegay  Kursigii dalka looga talinayay iyo Madaxtooyada oo maanta noqotay Beer Carruurtu ku dal-xiisto Ciidda!!?




Xogo dheeraad ah oo laga helay sababta Saylici uga caagay ku shaqaynta Xafiiskiisa Madaxtooyada?Warbixin




[caption id="attachment_91867" align="alignleft" width="283"]Wareegto saylici qoray oo burtay Wareegto saylici qoray oo burtay[/caption]Hargeysa(GNA)-Inta badan Maalinta ugu horaysa ee Maalmaha ciidu waxay ka mid ahayd arrooraha ay ugu mashquulka badantahay Madaxtooyada Somaliland, gelinka hore marka salaada laga soo dareero ee ay dadku u soo baxaan booqashada eheladooda ama cidda kale ee ay danaynaynayaan, sababtoo ay tahay waxa qasriga gudihiisa lagu booqan jiray Madaxda ugu saraysa Qaranka oo dadweynaha si taxadir leh loogu fasixi jiray inay soo salaamaan, yoomul faraxa awgii.




Dad badan oo aan fursad u heli jiray inay la kulmaan Madaxweynaha, iyagoo aan wax muraad ah ka lahayn ayaa wakhti kooban loo ogolaan jiray inay  la gaadhaan salaam gacan-qaad ah iyo  hadal aan nabdaadin dhaafsiisnayn oo aan waliba sal fadhiisi lahayn. Waxaana sidoo kale Madaxweynaha ku wehelin jiray badanaa fursaddan kooban ee Shacbiga uu siin jiray, Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxda Goleyaasha kale ee Qaranka oo ay ka mid yihiin Labada guddoomiye Baarlaman, guddoonka Maxkamadda Sare, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo wasiirrada xukuumadda badankooda.




Hase ahaatee jawiga Madaxtooyadu saaka sidii looga bartay wuu ka duwanaa, waxaanay ka dhignayd mid ka mid ah goobaha dadku ugu jecelyihiin inay booqdaan xilliga dalxiiska oo laga raray waxyaabihii indhaha Bulshada ku soo majiiran jireen, kaddibna si war ma qabto loogu soo lug’ay.




Mid ka mid ah Waajibaadka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha saaran ayaa ah inuu maalmaha qaran iyo munaasibadaha ciidaha, shacbiga kala qayb qaato dareenka farxada, isla markaana dareenkooda saameyn ku yeesho, hase ahaatee waxa iska cad in xaalku sidaasi maanta oo ciid ah ka duwanaa.




Tiro dad dhalinyaro u badan ayaa ka soo muuqday albaabka Qasriga, wax ka yar saacad, markii Salaada laga soo baxay, kuwaasoo mid ka mid ahi uu Kamarad yar oo nooca sawirka lagu qaado ah gacanta ku siday, waxaana furnaa hal albaab oo qudha, iyadoo gudaha dhismeyaasha dhexdooda lagu arkayay Carruur iyo dad kale oo rayid ah oo barxada aqalka looga taliyo qaranka dhex gaaf-wareegaya, iyadoo aanay sidii sanadihii hore  lagu yaqaanay meesha ka muuqan Masuuliyiinta xukuumadda Xilalka ka haya oo halkaasi sigaarka iyo Shaah lagu samayn jiray cabi jiray saacadaasoo kale.




Muuqaalka noocaas ah waxa loo turjuman karayay siyaabo kala duwan, hadii aanay ahayn maalin ciid ah oo indhaha bulshada iyo kuwa dadka warka raadiyaa halkaasi ku foognayn.




“wuu baxay madaxweyne ku-xigeenkii mabuu ku hakan ee gurigiisii ayuu noo dhaafay”sidaasi waxa ku qancinayay dadweyne meesha lagu hortaagnaa Askari Ilaalada Madaxtooyada ka tirsan oo lebisan.




Wariyeyaal ka tirsan gobanimonews oo goobtaasi ku sugnaa ayaa loo xaqiijiyay inaanay Madaxtooyadu maanta u furnayn qaabilada shacbigii Ciidaha soo booqan jiray, isla markaana dadka gudaha ku jiraa ay yihiin Carruur yar-yar oo meesha Sawirro lagaga qaadayo ama ku gelaya.




Jawaabta noocaas ah, ayaa dadka mufasiriinta ah maankooda ku dhalinaysa oo meeshu ma beertii dadweynaha ee dalxiiska loo tegi jiraybay noqotay, mise waa Dukaamadii Sawirrada lagu geli jiray.




Si kastaba ha ahaatee wax ha u jireene Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo ah ku-simaha madaxweynaha, ayaa maalinkii labaad aan ka soo daahirin Aqalka looga arrimiyo dalka.




Saylici ayaa saaka markii Salaada ka soo baxay Albaabada u furay aqalka gaarka ah ee uu degenyahay, halkaasoo ay dad kooban oo u badan madaxda dawladdu ku booqanaysay.




Wariyeyaal booqday aqalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kula kulmay tiro masuuliyiin ah iyo Madaxdhaqameedyo qaar ka soo baxeen gudaha qasriga hoyga u ah saylici iyo kuwa kale oo sii gelayay.




Inkasta oo ay Xafiisyada dawladda shaqooyinka fasax lagaga jiro maalmaha ciidda, hadana taxtaxaashka Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee aqalka Madaxweyne ku-xigeenka galaa baxayay waxay ka dhigantahay in nidaamkii Maamul ee Kursiga Qaranka looga taliyaa yaallo Hoyga uu degenyahay Masuulka  Madaxweyne Siilaanyo dalka kaga tegay.




Saylici ayaa la sheegay inuu ka war wareegayo joogitaanka Xafiiska Madaxtooyada sababo aan cadeyn awgood, iyadoo ay taasi dhalisay dareemo kala duwan oo muujinaya inuu wali ka sii biyo diidsanyahay  arrimo ay isku khilaafeen Madaxweyne Siilaanyo intii aanu dalka ka dhoofin.




Wareegtooyin isburinaya




 Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu soo saaray  bishii ina dhaaftay ee June ku buriyay, wareegto ku-xigeenkiisu ku bixiyay Riig biyood oo ku yaalla Magaalada Burco.




Saylici ayaa Riigaasi ku wareejiyay gacan ku hayntiisa Xerta sheekh Maxamed Rabiic, kaddib dayactir lagu sameeyay. Hase ahaatee madaxweyne Siilaanyo ayaa bixintaasi kaddib amar kale oo uu ku wareejinayo Wakaaalada Biyaha ee Burco soo saaray bishan gudaheeda intaanu dhoofin, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilowareedyo madaxbanaan oo madaxtooyada u dhuun daloolaa.




 warqada uu madxwayne ku xigeenku qoray oo Sumadeedu Tahay REF/fl/tb/wm-04.00228-0913/24-06-2014,ayaa markii ay ka daba timi mid kale oo madaxwaynuhu soo qoray oo riigan lagu wareejinayo Maamulka wakaalada iyo wasaarada Biyaha, arrintaasi  muran ka dhex dhalisay labada Masuul ee dalka ugu sareeya, Maamulka Gobolka Togdheer iyo waliba Culinada riigan Saylici siiyay.




Inkasta oo ay noo suurto geli wayday inaanu helno warqada kale ee Madaxweynuhu ka soo daba saaray, hadana ilowareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay inuu Siilaanyo si cad u buriyay go’aanka ku-xigeenkiisa, taasina dhexdooda ka abuurtay khilaafkaas qaybta ugu culus.




Warku wuxuu intaas ku daray in warqada Saylici qoray marka horeba Maamulka Gobolku diiday inay aqblaan, iyagoo ku doodaya inaan wareejinta Riigaas wax ogaysiin ah lagu soo siin warqada lagu amray ee Saylici qoray, iyadoo markii dambena faro gelinta Madaxweynuhu akhirkii waji kale u bedeshay arintaas.




Dareemo kale




Il-wareed kale oo Gobanimonews  heshay, ayaa tibaaxaya Madaxweyne Siilaanyo dhoofay, iyadoo aanay wali xal ka gaadhin xiisadda arrintaa ka dhalatay ee dhexdooda ka taagnayd.




Xogtan ayaa soo baxday wakhti ay isa soo tarayaan dareemo kale oo laga qabo sida uu yahay xidhiidhka u dhexeeya labada hogaamiye oo dadka siyaasadda odorasaa u arkaan mid aan wanaagsanayn, isla markaana isu waji furnaan iyo ixtiraam badan aanu ka muuqan.




Waxaana taasi marka la barbar dhigo dhacdooyinka maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxaya Xafiiska Saylici la dareemayaa inay jirto cuqdad siyaasaddeed oo aan wali meel loo sibir saari karaa jirin, marka laga yimaado waxyaabahan bisiidka ah ee aynu kor ku soo xusnay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




FG: Warbixinta waxa si wada jir ah u diyaariyay wariyeyaasha Gobanimo  ee Hargeysa iyo Burco..