Tafaftiraha Guud ee Mareegta Gobanimo News Agency waxa uu raali gelin ka bixinayaa, war ku baahay Mareegta todobaadkan oo ku saabsan Warbixin laga qoray Maayirka Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag Xuseen Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Siciid.
Warbixintaasoo nuxurkeedu ahaa in Maayirku faro-gelin ku hayo Maamulka Kastamada Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Sanaag, kaddib markii la bedelay sarkaal madax ka ahaa Kastamka Degmadda, iyadoo aanu ixtiraamayno Maayirka iyo il-wareedyada aanu warkaasi ka soo xiganay, waxaanu ka raali gelinaynaa Maayir Xuseen iyo cid kasta oo dhibsatay warkaasi.
waxa kale aanu halkan ku xusaynaa inuu Maayirku beeniyey dhamaan xogaha Warbixintaasi aanu ku soo bandhignay, kaddib markii ay noo suurto geli wayday inaanu helno, si aanu wax uga waydiino eeddaha loo jeediyay, ka hor intaanaan daabicin Warka.
hadaba annagoo ka cudur daaranayna inaan loo fasiran raali-gelintan inaanu markii hore Maayirka si badheedh ah war aan jirin uga qornay, waxaan mar kale ku celinaynaa in Tafaftirku go'aansaday inuu ka jawaabo dhibsashada Warkaasi ee dhinacyada nala soo xidhiidhay.
Illaahow Xaqa na waafaji
Tafaftiraha Guud ee Warbaahinta Gobanimonews