Monday, July 28, 2014

Xasan Sheikh: Ciid Mubaarik umadda Soomaaliyeed”


Akhri: Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabadda Ciidda hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed.




 


Xasan SheikhMuqdisho, 27 July 2014-GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada ciidul fitriga oo maanta loo dabaaldegayo.





Madaxweynuhu wuxuu yiri “Ii oggolaada in aan idinla wadaago farxadda ciidda. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu soonkii aan soonnay naga siiyo ajar iyo xasanaad. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in ay gacmaha isqabsadaan oo ay si wadajir ah u wada ciidaan, una kaalmeeyaan wallaalahooda aan wax heysan, gaar ahaan qoysaska ay cunta yarida iyo macluushu ay soo food saartay”.




Madaxweynahu waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan nabadda, iyo dib-u-heshiinta, si dalku uu u noqdo mid horumar ballaaran sameeya. Farxadda Ciidduna waa mid nooga baahan inaan isu naxariisano, danteenna guudna ka wada shaqeyno.




Hore ayuu abwaan Soomaaliyeed u yiri “Allah maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan, Illaahii ina siiyey isagaa ku abaal leh”.ayuu ugu dambeyn ku soo gunnaanaday hadalkiisa.