Monday, July 28, 2014

Muqdisho oo lagu ciiday mid ka mid ah Maalmihii ugu wanaagsanaa ee soo mara


Hoos ka Daawo Sawirro muujinaya Nolol iyo nayaayiro aad u kala durugsan oo ka turjumaya xaqiiqda xaalada soomaaliya ee xilliga..




 



madaxdaMuqdisho(GNA)-Mid ka mid ah Maalmaha ugu qiimaha badan Sanad kasta Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa looga dabaal-degay Caalamka, taasoo ah ciid ku soo beegantay maalintii 21-aad ee ay duqeymo yuhuuddu ku garaacayso Mandaqada Barakaysan ee GAZA Dhiiga dad rayid ah oo reer Falastiin ah.



Madaxda2 madaxda3 madaxda4 madaxda5 madaxdae




Xumadda Xanuun ka dhashay duulaanka Marinka GAZA ay Israel ku hayso ayaa ka soo yeedhayay maanta weedho lagu muujinayo, taasoo ay hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa diintu isku aragti ka yihiin caalamul islaam.




Dalka Soomaaliya ayaa oo ay 23 sannadood dagaallo sokeeye, kuwo siyaasaddeed iyo kuwo aragtiyo kale xambaarsani halakeeyeen ayaa sanadka si weyn looga cidday, iyadoo ay dadku goobo kala duwan ku oogeen saaka salaadii Cidal-fidriga.




Magaalada Muqdisho oo ay bishii Ramadaan ka dhacayeen dilal qorsheysan oo isdaba jooga ayaa maanta lagu ciidday jawi nabdoon oo ka duwan sidii xalay xaalada ammaanku ahayd. ma jiraan ilaa hada falal amni daro oo la soo wariyay inay dhaceen degmooyinka Magaalada.




Madaxda ugu saraysa dawladda Soomaliya ayaa dadweyne tiro badan kula tukaday Masjidka Madaxtooyada Villa Somalia ee isbahaysiga.




 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ay Wehliyaan xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacbiga Soomaaliyeed alle uga beryay inuu sanadkan kiisa ku gaarsiiyo horumar.




Amaanka Masjidka Isbayahsiga waxaa si weyn u adkeenayay oo lagu arkayay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM kuwaa oo baarayay dadweynaha Masjidka Salaada Ciida ku dukanayay.




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka ayaa Umada Islaamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed  mar kale uga hambalyeeyay Munaasabada Ciida.




Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, wuxuuna ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal in ay isugu yimaadaan.




Geesta munaasibada Ciida ayaa si weyn looga dabaal-degay degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dadku goobo kala duwan ku oogeen salaada.




Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, wallow aanay wax badan kaga duwanayn maalmihii saxmadu yarayd oo ay ciidamadu mar walba dagaal kula jireen kooxaha dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah kula ka wada Magaaladan iyo Gobollada kale ee dalka.




Alshabaab iyo Gobollada ay ka taliso




salada1 salaad2 salaasa salada1




 




Dhinaca kale Gobollada iyo degmooyinka ay maamulaan Xarakada Alshabaab ayaa si weyn looga ciiday, iyadoo dadku ay salaadii Ciidal-fidriga isugu soo baxeen fagaareyaal iyo goobaha kale ee lagu cibaadaysto.




Sida ay warinayaan Wakaalada Wararka ee Ururka Alshabaab taageera , Madaxda Ururkaasi ayaa dadweynaha kala hadlay fagaareyaal ku yaalla Degmooyinka Baraawe, Gal-hareeri iyo deegaamo kale oo ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab.




Mid ka mid ah Munaasibada ay shacbiga kala qayb-galeen Madaxda Alshabaab oo ka dhacday Degmada Baraawe ayaa waxay ku soo bandhigeen dhoola-tus iyo Fardo ay ku sameeyeen gardis.




Si kastaba ha ahaatee Munaasibada Ciida ee Maanta ayaa shacbiga Soomaaliyeed ee ke kula nool Gobollada dalku ugu bilaabantay jawi nabdoon.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com