Sunday, July 27, 2014

Saylici oo mar kale faddeexadoobay iyo Qasrigii Siilaanyo kaga tegay oo Goraygu ka hadaafay


Saxaafadda madaxbanaan oo laga soo saaray Shir jaraa’id oo uu Gurigiisa ku qabtay Saylici , xilli Madaxtooyadii Siilaanyo kaga tegay Albabada loo xidhay...




saylici1Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta gurigiisa kula hadlay Warbaahinta dawladda.




Faahfaahin dhab ah lagama hayo waxyaabaha uu ka hadlay Saylici, hase ahaatee ilo-wareedyo ku dhadhow ayaa tibaaxaya inuu ka hadlayay munaasibada Ciida ee la filayo inay Maalinka beri soo gasho, isla markaana Caalamka Islaamka looga dabaal-dego iyo beenin warar kale oo la xidhiidha safar madaxweyne Siilaanyo.




Warbaahinta Madaxbanaan ayaa gabi ahaanba laga saaray Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne ku-xigeenku ku qabtay gurigiisa xilli uu ku sime madaxweyne ka yahay dalka, isla markaana Maamulka dalka cid uga saraysaa jirin.




“annagoo qalabkii rakibanay ayaa Ninka Cabdi qani Askar la yidhaahdaa noo yimi oo nagu yidhi Madaxweynuhu wuxuu u waramayaa uun telefishanka Qaranka iyo Horn Cabletv, wixiinan oo dhan la wada hadli kari maayo oo arrin xaasaasi ah ayuu ka hadlayaa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Wariyeyaashii laga soo saaray Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka iyagoo isu diyaariyay inay war ka duubaan.




Dhinaca kale, wariyeyaashan shirka jaraa’id laga madnuucay, inay wax ka duubaan, ayaa si weyn uga biyo diiday qaabka loola dhaqmay, waxaanay ku hanjabeen inay ka falcelin doonaan arrintan.




Aqalka Madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo ayaanu haba yaraatee ka ag-wareegin  Maanta, sida aanu xogaha ku helnay, taasoo noqonaysa arrin ka hor-imanaysa nidaamka dawladnimo iyo maamulka.




Dhinaca kale, Muuqaalka Qasriga looga arrimiyo Somaliland oo ah goobta maamulkeeda lagaga tegay Saylici, ayaa laga dareemayaa cidla iyo in goraygu ka hadaafay, isla markaana aan mashquul badan iyo dhaqdhaqaaq laga dareemayn xili maigalin farxaddeed loo dareerayo.




Dhowr askari oo ka mid ah ilaalada Madaxweynaha ayaa ka hor muuqday aqalka oo ay albaabadiisa waaweyni xidhnaayeen, sida ay wariyayaasha Gobanimonews oo xafiisyada dawladda kormeerayay ku warameen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com