Tuesday, July 29, 2014

UNPO: Gooni isutaaga Kurdistan waxa uu fursad u yahay Aqoonsiga Somaliland”


Hay’ad Caalami ah oo sheegtay in Somaliland Aqoonsi Caalami xaq u leedahay hadii caalamku aqoonsado Kurdiyiinta Reer Ciraaq..




[caption id="attachment_91926" align="alignleft" width="328"]Dadka reer Somaliland oo rejo wanaagsan sugaya Dadka reer Somaliland oo rejo wanaagsan sugaya[/caption]London(GNA)-Ururka u dhaqdhaqaaqa Qaramada iyo dadyowga aan aqoonsiga Caalamiga helin ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNPO), ayaa ku dhawaaqay in madaxbanaanida Gobolada Kurdiyiinta reer Iraaq kaga go’ayaan dalkaasi intiise kale ay soo dedejin karto aqoonsiga Somaliland.




Qorshe la doonayo in dawladnimo taam ah ay ku yeeshaan Dadka Kurdiyiinta ah ee degen Waqooyiga Dalka Iraaq ayaa sii xoogaystay todobaadyadii u dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha Ciraaq muddo yar ka hor sheegay inay dawladdiisu aqoonsanayso maamulka Kurdistan ee dalkiisa ka go’aya.




UNPO , ayaa iyagoo barbar dhigaya waxyaabaha ay wadaagaan Somaliland iyo Kurdistan hoosta ka xariiqay in hadii gobolkaasi caalamku aqoonsado, Somaliland-na xaq u leedahay in sidaasoo kale caalamku u ictiraafo.




Reysal-wasaaraha Israel iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Reer Galbeedka ayaa taageeray qorshaha dalka ciraaq uu kaga go’ayo Kurdistan, taasoo iyaduna fursad kale u noqotay dadka mandaqadaasi degen ee xoriyad doonka ah.




Hay’adda UNPO oo miisaan ahaan wada shaqayn fiican la leh Qaramada midoobay iyo  waddamada caalamka, ayaa waxyaabaha ay Somaliland iyo Kurdiyiinta reer Ciraaq wadaagaan ku soo uruurisay afar qodob oo aasaas u noqon kara inay labada dalba helaan aqoonsi caalami ah.




UNPO , ayaa sheegtay inay Kurdistan ka go’ayaan wadan dhibaatooyin iyo qalalaase hoy u noqday (Ciraq), oo ay dawladdiisu ku guul-daraystay inay maamul cago adag ku taagan hir geliso, halka reer Somaliland-na si la mid ah ay uga go’ayaan dalka soomaaliya oo noqday Hooyada colaadaha Sokeeye iyo degenaanshiyaha Geeska Afrika.




Waxa kale oo ay sheegeen inay labada Maamulba leeyihiin hanaan dimuquraadiya oo ka hir galay Somaliland 1993, Kurdistan-na 1992, iyagoo intaas raaciyay inay adayfa dimuquraadiyada wax aan badnayn ku kala duwanyihiin.




Qodobka ugu muhiimsan ee ay wadaagaan Somaliland iyo Kurdistan,  waxa ay ku sheegeen UNPO “ lagama hadlin Ololihii Xasuuqa ahaa ee Maamulkii Sadaam Xuseen ee dalka Ciraaq kula kacay Kurdiyiinta Dalkaas sanadihii 1980-kii.si la mid ah dadka reer Somaliland waxay iska difaacayeen 30 sanadood cadaadis kaga imanayay nidaamkii Talyaaniga ka xoroobay ee Somalia oo ay midoobeen 1960-kii”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay UNPO.




Somaliland




Arrintan ayaa rejo wanaagsan ku abuuraysa dadka reer Somaliland oo 23 sannood Aqoonsi caalami ah doonayay, isla markaana wali bulshada caalamku aanay ka jawaabi rabitaankooda dawladnimo, inkasta oo ay tix-gelin gaar ah ka hesho wadamo badan oo caalamka ah.




Xukuumadda Somaliland ayaa loo baahanyahay inay ka faa’idaysto talaabada caalamku ku aqoonsanayo Kurdistan, taasoo ay ugu ololeynayso sidii loo aqoonsan lahaa, iyadoo Ololahaasi ku waajahaysa dalalka iskaashi ay la samayso wadamada saaxiibka la ah iyo xafiisyada Qaramada midoobay ee arrimaha siyaasadda iyo xuquuqal iinsaanka qaabilsan.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com