Wednesday, July 30, 2014

Wax Qabadka Xukuumadda iyo Indho La'aanta Mucaaridka Waa Laba aan is Qaban

waxaynu la wada soconaa xukuumadda maanta jirtaa in dalka wax badan ay u qabatay oo laga wada dharagsanyahay

waxaa mahad iska leh eebaha abuuray makhluuqa ku nool cirka iyo dhulka intaa ka bacdi waxaan salaamayaa shabakada wararka ee hadhwanaagnews.com sida aan hagarshada lahayn ee ay uugu adeegto shacabkeeda.

waxaynu la wada soconaa xukuumadda maanta jirtaa in dalka wax badan ay u qabatay oo laga wada dharagsanyahay, wax qabadka xukuumadda hore ayaan wax ooga qoray oo aan u qaada dhigay in xukuumadda maanta jirtaa ay dalka gaadhsiisay horumar aad u wanaagsan .

xukuumadda maanta jirtaa waxay kaga duwantahay xukuumaddahii ka horeeyey wax yaabo badan oo halkan aan lagu soo koobi karin oo horumar ah waxyaalahaas waxaynu ka xusi karnaa

1: Horumarka caafimaadka

2: Tayada waxbarashada

3: Wadooyinkii oo xukuumadda maanta jirtaa lagu dhiiraday

4: Tayada caafimaadka bulshada

haddaba




inaga oo wada og wax qabadka intaa leeg ee ay ku talaabsatay xukuumadda maanta jirtaa waxaynu maalin walba aynu maqalnaa mucaaridka dalka jira oo dhaliilo badan u jeedinaaya xukuumadda maanta jirtaa .

mucaaridka maanta jiraa waxaynu odhan karnaa waa mucaarid aad la yaabaysid waxyaabaha ay ku kacayaan oo aad odhan kartid dadkan mucaaridka isku sheegayaa waa dad aan u qalmin oo aan dan ka lahayn in dalkan ay mar uun talada dalka qabtaan .

waxaa xaqiiq ah waxyaabaha ay ku tiraabayaa mucaaridka maanta jiraa waa qabyaalad oo aynu la wada socono meesha ay soomaali dhigtay iyo inay tahay qabyaaladu waxa yaabaha qayrkeed ka reebtay soomaalida meel walba oo ay joogto.

mucaaridka maanta dalka ka jiraa waxay ku ololeenayaan qabyaalad dadkana waxay ka doonayaan in ay talada ay u dhiibtaan taasina waa laba aan is qaban

mucaaridka maanta jiraa waa mucaarid ay taladoodu iskugu timi wax burburin ,cay , iyo qabyaalad iyo dhaliil aan sal iyo raad toona lahayn taasina ma aha wax dadkan iyo dalkan anfacaaya .

waxaa maragmadoonto ah oo ay dalka ka abaabulayaan qabyaaladii qarniga oo ah in ay isku habarwacdaan wax loo yaqaano habarmagaado oo qof kasta oo maqlaa uu aad ula yaabo dadka noocaas ah ma aha wax talada dalkan u qalma oo loo dhiiban karo .

walaalayaal hadii aan indhaha la iska tireen xukuumadda maanta jirtaa waxyaabo badan ayey qabatay oo aan isleeyahay mucaaridka maanta jiraa ma qaban karaan xaqiiqdii intee ay xukuumaddani talada dalka haysey waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinac walba leh.

guntii iyo gabagabadii waxaan hadalkayga ku soo afmeeri lahaa talooyinkan soo socda oo ah

xukuumadda waxaan leeyahay wax badan oo loo baahnaa waad qabateen wax badan oo dhimana waa ay jiraan waxii dhaliil ah ee jira dawladu wax bay ka qabanaysaan in kastoo ay ognahay taagta dhaqaale ee dawladeenu ay leedahay oo aynu odhan karno waa ay iska yartahay

mucaaridkana waxaan leeyahay waxiinu yaa idin ka noqonin dhaliil aad meel walba aad la joogtaan se noqda dad wax saxa oo waxii khalad u aragtaana u bandhiga dawladooda ha noqonina kuwa dadka iyo dalka u horseeda duufaanada qabyaalada.

mucaaridka waxaan leeyahay mucaaradnimadiinu yeyna noqonin mid wax dumisa oo dalka kala fogaysa se ha noqoto mid wax toosisa oo dalka iyo dadka anfacda .

Eco: Abdi Rashiid Ali Jaamac ( ibnu giriig)

Hand phone 063_4108610

giriig889@hotmail.com

student at university of hargaisa ( BEA)