Thursday, July 31, 2014

Qabyaaladii oo ka Cabanaysa Qabyaalad oo leh Waa lay Qabyaaladeeyay!!!


 


Marka hore shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa aan u dirayaa hambalyo iyo salaan munaasibadda ciidul fidriga.Waxa aan alle inooga baryayaa cibaadadii bisha ramadaan ee barakaysan inuu inaga aqbalo.





Marka xigta, waxa aan aad ula yaabay ayadoo lagu jiray ayaamahii ugu danbeeyay bisha barakaysan ee ramadaan iyo faraxadii ciida ee loogu mahad celinaayay Eebe eedaymo ka soo yeedhaayay wasiiro ka mid ah xukuumada dalka hogaamisa oo ay ku durayaan inay xisbiyada mucaaridka ee qaranku ku talaab-sadeen qabyaalad.Waxa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah mar kasta gaar ahaan bisha ramadaan inuu ka fogaado gebi ahaanba waxii allaah(SWT) innaga reebay,fuliyana cibaadada alle,khayrkana badsano balse wasiirada waxa ka muuqata:




1.Inay danaha xukuumadu kala cuslaatay waajibaadka alle ina




   Faray.




2.Inay shacabka ku marin habaabiso hab-dhaqan qabyaala-




   deed oo u caado ah xukuumada dalka hogaamisa laguna bartay.




Waxa la yidhi (been sheeg oo mid run u egg sheeg).Ma xukuumada ayaa maanta qabyaalad ku eeday-naysa xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah,waa yaabka yaabkii.Miyaanay xukuumadu ahayn tii ka dhalatay shirkii qabiilays-naa ee Gar-adag.Miyaanay xukuumadu ahayn ta ku dhisan qabyaalad.Miyaanay xukuumadu ahayn magacaabista ta ku salaysa qabyaalad.Waar dee yay-naan wax walba ku wada hadlin,waar haloo tudho dhigaha iyo indhaha shacabka oo yaan laga dhigin ummad caamiye ah oo dhan kasta loo jeedin karo.




Maanta shacabka JSL waayo aragnimo iyo aqoon dheer ayuu u leeyahay xukuumad kasta oo dalka soo martay talaabooyinka bud-dhigga u ahaa hab-dhaqanka siyaasada ay ku soo hogaamisay,markaa kama qarsoona shacabka in xukuumada haatan dalka ka talisaana bud-dhigga siyaasadeedu tahay qabyaalad qaawan oo innaba gabasho lahayn.Taana ula jeedadeedu ku aroorayso aragti siyaasadeed oo ay rumaysan-yihiin siyaasiyiin badani in shacabka JSL lagu xukumi karo kala qaybi oo xukun.Waana ta xukuumada dhaxal-siisay inay shacabka qabaail u kala qaybiso,adeegsato madax-dhaqameed.Qabyaaladu waa ta xukuumada dhaxal-siisay inay ka talaab-sato dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal,waa ta ka fogaysay inay talo la yeelan waydo xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah iyo golaha sharci dejinta.




Waxa la yidhi (Is-moog aqalkii bay aslaysaa).Hada waxa sii qoyan oo weli xasuusta shacabka ku daabacan qaabkii qabyaala-daysnaa ee aan hore dalka u soo marin ee lagu soo xulay ergooyinkii shirweynahii xisbul xaakimka,qaabkii uu shirku u qabsoomay ee qabyaala-daysnaa,xataa qaab-fadhigii ergooyinka ee qabaailka loo kala fadhiisiyay.




Nin baa laga hayaa(Wax kasta isa saaray ee laba ayaanan weligay isa saarin),aniguna waxa aan leeyahay weligay isma odhan(Qabyaalad ayaa ka caban doonta qabyaala-dayn oo odhan doonta waa lay qabyaaladeeyay).Markaa waxa la yaab leh wasiirada maanta dhaqankii xukuumada ay ka tirsan-yahiin lagu yaqaanay ee ku gaamurtay qabyaalada qaawan inay dusha ka marmariyaan xisbiyada mucaaridka ah ee aanu shacabku uga baran.




Xuseen Xasan Badmaax




Badmah100@hotmail.com




4026100




Hargeysa/JSL