Thursday, July 31, 2014

Yaya Toure: Waan Joogi Doonaa Manchester City Inta Ugu Badan Ee Ugu Suurto Galsan.


Ciyaaryahanka khadka dhexe Manchester City Yaya Toure ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in uu kooxda sii joogo inta ugu badan ee uguna suurto galsan.




Yaya-Toure-oo-636x360




31 jirkan ayaa qarka u dhawaa inuu kooxda ka tago kadib markii wakiilka ciyaarhanka Dimitri Seluk uu sheegay in xidigan uu xushmad darro kala kulmay kooxda maadaama ay u hambalyeyn waayeen markii uu dhalashadiisa u dabaal degayey.




 




Xidiga reer ivory Coast laftiisa ayaa dhawr jeer si cadho leh uga hadlay ,tusaale ahaan markii uu geeriyooday walaalkii Ibrahim Toure oo uu sheegay in kooxdu siin wayday waqti uu walaalkii oo xanuun sanaya uu la qaato taas oo uu isku qoomameeyay inuu diidi waayay amarkii kooxda.




 




 “Xaaladu may ahayn inaan kooxda ka tago laakiin sababtu waxay ahayd inaan ku jiray waqti adag waayo xaalada aan markaa ku jiray ayaa ahayd mid aad u adag. Marka aan doonayo inaan wax sameeyo waxaan soo saaraa qoraal taasina waa wax ii caadi ah aniga,”.




 




“Ugu dambeyn tani waa go’aankayga. Horay hadaadan iiga maqal waan odhanayaa, hadaadan rabina waan ku celinayaa markale, waxaan rabaa inaan sii joogo Manchester City inta ugu badan ee ugu suurto galsan,”.




 




Yaya Toure ayaa hanashadii horyaalka ee Man city ku lahaa qaybta ugu muhiimsan isagoo dhex ka ciyaara ayuu kooxdiisa u dhaliyay 20 gool isagoo kooxda u ciyaaray 35 kulan oo horyaalka ah.yaya-toure and kolo Britain Soccer Premier League