Friday, July 25, 2014

Somaliland iyo Nickolas Kay Maxay kaga heshiiyeen halistii Xafiiska UNSOM?


Somaliland waxay u muuqataa inay ka maarmi wayday la shaqaynta Wakiilka QM ee Somaaliya oo ay sanad ka hor eriday..Warbixin S. Kalshaale




[caption id="attachment_91554" align="alignleft" width="300"]Wasiirka arrimaha dibada oo wariyeyaasha la hadlay Wasiirka arrimaha dibada oo wariyeyaasha la hadlay [/caption]Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa mar kale ogolaatay inuu dalkeeda yimaaddo Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaranada midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Nickolas Kay, kaasoo madax ka ah Xafiiska UNSOM , fadhigiisuna yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.




Tani waxay imanaysaa sanad kaddib, markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waji-gabax ku dirtay Sarkaalkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Ingiriiska, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo si cad ugu sheegay inaanay dawladdiisu la shaqayn doonin Xafiiska uu haysto ee UNSOM, kaasoo ay arkaan mid u adeeggaya arrimaha maamul fidinta ee dalka Somaaliya oo lid ku ah mawqifka Somaliland.




Nickolas Kay, ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ay Somaliland ugu bandhigtay tooska oo ahaa mid shaqadiisa kala dhantaalaya, isagoo noqday Ergeygii ugu horeeyay ee lumiya Kalsoonida iyo la shaqaynta Dhulka ay Qaramada Midoobay wali u aqoonsantahay Waddankii laysku odhan jiray  Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.




Luminta Shaqadan oo uu caddeeyay si aan gabasho lahayn, kuna andacooday dhowr jeer inay caqabad ku tahay xidhiidhka ka dhexeeya Xafiiskiisa Muqdisho iyo Somaliland, ayay cadeyd inuu waajihi doono laba arrimood midkood.




Inuu gabi ahaanba joojiyo shaqada uu wakiilka uga yahay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin Moon, iskana casilo Xilka ergaynimo ee uu ku guul-daraystay inuu isku wado Danaha Q.M ee labada nidaam ee Hargeysa iyo Muqdisho ka jira.




Ama, inuu Ciyaaro siyaasad uu u isticmaalayo aqoontiisa Diblomaasiyaddeed oo uu hab furan iyo mid xidhanba uu ugaga shaqaynayo sidii mar uun ay Xukuumadda Siilaanyo u aqbali lahayd la shaqaynta UNSOM.




UNSOM waa xafiis ka shaqeeya laba arrimood ku wajahan Taageerada Somalia, kuwasoo kala ah Arrimaha bino-aadannimada iyo dhanka Siyaasadda iyo maamul daadejinta. Waana xafiiska ka shaqeeya doorka ay UN-ku ku leeyihiin hawlaha ee Gobolka.




Somaliland ayaa sheegtay inay Kay kala shaqaynayso arrimaha horumarinta iyo aadaminimada balse aanay wax siyaasad ah kala macaamili doonin, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibada ee Xukuumadda Siilaanyo Maxamed Biixi Yoonis oo Salaasadii Wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisu.




Wasiir Biixi ayaa intaas raaciyay inay dowlad ahaan doonayaan inay xidhiidh dhow la yeeshaan Hay’addaha Qaramada Midoobay ee dalka ka shaqeeya, si taasi loo dar-dar geliyana Mr. Kay ay hargeysa ku marti qaadeen.




Waxa iska cad in isfahamka cusub ee dhex maray Somaliland iyo Nickolas Kay, ka soo unkamay kulamo qarsoodi ahaa oo ay wada yeesheen Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi, kaasoo isaga laftiisu sanad ka hor intaan la magacaabin xil muhiim ah ka hayay Qaramada Midoobay, soona noqay ergay Qaramada Midoobay wakhtiyo kala duwan.




Wali si cad looguma soo bandhigin bulshada reer Somaliland waxyaabaha hoose ee kulamadaasi ay kaga wada hadleen, hase ahaatee waxa ilaa hada soo baxay waa in labada dhinac is-afgarad yeesheen.




Dadka ka faallooda arrimaha diblomaasiyada, ayaan wali  si cad u fahansanayn naaxiyada xidhiidh dambe oo dhex mara oo ka duwan sidii hore, waxaanay taasi u muuqanaysaa waxaan dhadhan badan samaynayn, hadaan si cad loo qeexin.




Waxaana muuqata in labada dhinac midkood leeyahay ujeeddooyin dahsoon oo uu kaga gaashaamanayo arrimo siyaasaddiisa ku leh, haba badnaato xagga xukuumadda Siilaanyo oo farta lagu godayo inay ka fursan wayday inay la xaajooto Kay, kaddib dagaal diblomaasiyaddeed oo uu Qaramada kaga furay intii ismaan-dhaafku taagnaa.




Su’aalaha maanka dadka ka guuxaya ayaa waxa ka mid ah, sida ay isku waafaqayaan siyaasadda Xafiiska UNSOM ee laga jaan-gooyo Washington ka hor intaan Muqdisho la soo gaadhin iyo baahiyaha bino-aadantnimo ee Somaliland uu kala shaqaynayaa.




Waxa isweydiin leh  Qaramada midoobay ma ogoshahay  in Kay faraha kala baxo arrimaha siyaasada ee Somaliland, iyadoo ay soo dhowyihiin Doorashooyin laga wer wer qabo in dib u dhac ku yimaada Khilaaf siyaasaddeed ka abuurmo, mase ka maarantaa Somaliland kaalmada farsamo UN-ka, taasoo ay xataa ka mid tahay horumarinta Hay’addaha Siyaasadda oo ay tababaradu ka mid yihiin?.




Si kastaba xaalku ha ahaadee, warka ku saabsan marti-qaadka Xukuumadda Siilaanyo u fidisay ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Nickolas Kay, waxa muuqata in hadii wada shaqayni ka bilaabanto aanay marnaba ka madhnaan doonin hawlaha uu ninkaasi qaban doono door ku yeelashada arrimaha siyaasadda, isagoo xataa ka soo geli kara wada hadalada u dhexeeya Dawladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland, muranka hawada ee ka dhex aloosan labada maamul iyo waliba arrimaha Doorashooyinka Somaliland.[caption id="attachment_91555" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne Siilaanyo iyo N. Kay oo heshiiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo N. Kay oo heshiiyay[/caption]




Hadii ay taasi timaadona waxaan meesha ka madhnaan doonin inay Somaliland-ta u duduuco dhinaca khatarta ee ay hore uga gil-gilatay inay macaamil la yeelato Xafiiskiisa (Federalism).




Nickolas kay ayaa lagu wadaa inuu bisha August 18-keeda Hargeysa soo gaadho, taasoo noqonaysa markii labaad ee uu soo cago dhigto Hargeysa tan iyo markii xilka loo magacaabay.




Saleeban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com