Monday, July 28, 2014

Agaasimihii Telefishanka UNIVERSAL ee Hargeysa oo la xidhay


[caption id="attachment_91817" align="alignleft" width="335"]waa la cambaareeyay xadhiga caabi waa la cambaareeyay xadhiga caabi[/caption]Hargeysa(GNA)-Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wakiilkii Telefishanka UNIVERSAL  ee Somaliland Maxamed Cabi.




Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii sanadkan xidhay xarumihii uu Telefishankaasi ku lahaa Somaliland, kaddib markii uu Barmaamujka ka baxa ee Faaliyaha Qaranka ku baahiyay muuqaal ay dayaacayad ku tilmaantay Xukuumadda Siilaanyo oo laga sameeyay Madaxweyne Siilaanyo.




Tan iyo Bishii Janaury ee sanadkan Xarumaha TV-ga ee Hargeysa, Burco, Boorama , Ceerigaabo, Sool iyo magaalooyinka kale ee hoos yimaada, way xayirnaayeen, wax shaqo ahina kamay socon, wallow dhawaan la sheegay inay Wariyeyaal u shaqeeyaa si qarsoodi ah uga diyaariyeen  barmaamujyo  Magaalada Hargeysa.




Mid ka mid ah Shaqaalihii Telefishankaasi ee Somaliland ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Agaasime Maxamed Caabi caawa fiidkii laga soo qabtay Guriga uu ka degenaa Magaalada Hargeysa, loona taxaabay Saldhiga dhexe.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo la xidhiidha xadhiga Masuulkan Telefishanka xayiran Hargeysa u joogay, hase ahaatee sida muuqata waxa loo aanaynayaa xadhigiisa barmaamujkan ugu dambeeyay ee uu ka duubay Magaalada Hargeysa, oo ah Barmaamuj-faneed ay ka duubteen Koox Fanaaniin ah.




Najiib Cabdiwali oo ka tirsanaa hawl-waddeenadii Tv-gaas ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay “ waa la xidhay Agaasimahaas, waxaanan u aragnaa xadhigiisa mid xaq daro ah, waanan cambaareynaynaa, hadii aanu nahay Shaqaalihii ay wada shaqaynayeen”ayuu yidhi wariye Cabdiwali oo haatan ku sugan Buuhoodle.




Wariyaha ayaa sheegay inaanay ilaa  hada garanayn sababta loo xidhay Masuulkan “ ma garanayno sabab lagu xidhay ee waxa naloo sheegay uun in caawa gurigiisa laga soo qabtay, iyadoo aan wax eed ah iyo waaran Maxkamaddeed toona loo gaynin.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.




Xayiraada TV-ga Universal Xukuumada Somaliland saartay ayaa qayb ka ahaa gabood-falo saxaafadda ka dhan ah oo lagu eeddeeyay inay gashay lixdii bilood ee sanadka, inkasta oo Kiiska Xayirada Universal lagu kala aragti duwanaa Somaliland gudaheeda, isla markaana dadka qaar u arkayay inuu meel kaga dhacay sharafta iyo Maamuuska Madaxweyneha dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com