Friday, July 25, 2014

Xiisad wali ka tagaan Dhul-daaqsimeed lagu muransanyahay Koonfurta Hargeysa


Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Warbaahinta Fariin Maslaxad xambaarsan u marisay dadka deegaanka Qool-cadey oo gaddoodsan..




[caption id="attachment_91610" align="alignleft" width="300"]Xoolo daaqeen wanaagsan Xoolo daaqeen wanaagsan[/caption] Hargeysa, 24 July, 2014 (GNA)- Khilaaf xooggan ayaa ka taagan qorshe ay Xukuumadda Somaliland ku doonayso inay dhul-seereed kaga xidho Banka Tuulada Qool-cadey oo ka tirsan Degmada Sallexlay ee gobolka Maroodi-jeex,kaddib markii ay dadka deegaankaasi ka soo horjeesteen qorshaha Dhulkaasi looga dhigayo Seeraha, wasaaradda Xanaanada xooluhuna ku adkaysatay inay hawshaasi fulinayo.




Dadka Deegaanka oo isbaabulay




Dadka Deegaanka ayaa la soo sheegay inay maalmahan Abaabul ugu jireen sidii ay isu hortaagi lahaayeen qorshehaasi, iyadoo la sheegay in abaabulkoodu gaadhay heer ay hub qaataan.




“Waxaanu warka ku haynaa inay is uruursanayaan Niman deegaanka ah oo Qoryo sida si ay uga hortagaan hadii hawshu bilaabantay”sidaas waxa Gobanimonews u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Laamaha Ammaanka Somaliland oo ka cudur daartay inaan magaciisa soo xigano.




Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan Deegaanka Qool-cadey, ayaa sheegay inaanay jirin cid iyaga ka mid ah oo hub sidata oo deegaanka ku sugan, waxaanay ku doodayaan inaanay ogolayn sameynta Seeraha Dawladdu wadato.




“Annagu wax hub ah ma sidanno, laakiin waxaannu ka soo horjeednaa oo aannaan marnaba aqbali doonin in Banka Qool-cadey oo Xoolahayagu ku nool yihiin (Daaqaan) in la yidhaahdo waxa seere loo ga samaynayaan Ganacsade Carbeed”sidaas waxa yidhi nin ka mid ah Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.




Waxaanu intaas ku daray “waxa la leeyahay ha halloo xidho Xoolaha uu dhoofsanayo 10 KM oo dhinac kasta ah, kuwiinnuna dhulka kale ee la kala yeeshay ee Beerta miidhan ah haku dul macaluulaan, waxaannu aqbali karno maaha”ayuu u sheegay Wargeyska Himilo.




Deegaanka Qool-caday




Dhul-baneedka la xidhayo Seeraha ee deegaanka  Qool-cadey oo ah Ban ballaadhan oo ku yaalla inta u dhaxaysa Qool-cadey iyo Sallaxlay, ayaa hore u ahaan jiray Seere xilligii dawladdii SIyaad Barre.




Dawladda oo ka hadashay




Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa Waraysi siiyay isla Wargeyska Himilo ayaa sheegay inay hogaan dhaqameedka Deegaanka la hadleen, jirina wax xiisad ah oo halkaa ka taagani.




“Inkasta oo ay markii hore faham la’aan dadka ahi jirtay, haddana Dadka deegaanka ee Madax-dhaqameedka, Wax-garadka, Waayeelka, Odayaasha, Maayerka Sallaxlay, Suldaanka guud ee Somaliland iyo Dhalinyarada-ba kulammo kala duwan ayaannu la yeelannay, runtii si fiican baannu isu fahannay, waxaanannu uga warrannay meeshan inaanay cid kale lahayn ee ay iyagu leeyihiin, oo Xoolohooda lagu xannaanayn doono hadday daaq tahay , hadday caafimaad iyo biyo tahay-ba, markaa waannu is-fahannay wax dhibaato ah oo noo dhexeeyaana ma jiraan.”ayuu yidhi.[caption id="attachment_91611" align="alignleft" width="300"]Agaasimaha Guud ee W. Xanaanada Xoolaha Agaasimaha Guud ee W. Xanaanada Xoolaha[/caption]




 



Golaha Deegaanka Salaxley




Xildhibaan Kawsar Aw-Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Salaxley ayaa xaqiijisay inay dadka deegaanku aad uga soo horjeedaan talaabada lagu samaynayo Seere daaqsimeedka.




 “Dadka deegaanku runtii aad bay uga soo horjeedaan in Seero lagu xidho Banka Qool-cadey, waanay diiddan yihiin, waxaana diidmadooda xoogaysay warar loo sheegay oo lagu yidhi; ‘Ganacsade Carbeed oo Al-Jaabiri la yidhaahdo ayaa loo xidhayaa Banka’. Hase-yeeshee, annagu Gole deegaan ahaan waxaannu ku dedaalaynaa inaannu dadka Deegaanka fahansiinno xaqiiqada jirta iyo cidda dantu ugu jirto xidhitaanka Seeraha Banka, waxaana maantaba (shalay) halkan (Sallaxlay) looga furay Tabobbar Aqoon-korodhsi ah dadka Xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka Banka, kaasoo socda, isla markaana ujeeddadiisu tahay in lagu wacyigeliyo dadka laguna fahansiiyo Xidhitaanka Banka iyo muhiimadda iyaga Deegaan ahaan ugu jirta.”ayay tidhi.




Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka dayarisay xaalada deegaanka ee xagga cuntada xoolaha, waxaanay sheegtay in hadii la xidho oo seere laga sameeyo ay taasi wax ka tarayso Xaalufka lagu hayo dhulka, xooluhuna ay ku badbaadayaan xilliga Jiilaalka.




 “Banku wakhtigan sida uu yahay qof waliba waa ka naxayaa oo wuxu noqday Xaaluf, waayo? Waxa uu noqday Deegaan aan cidi ka guurin inta badan oo Daaqeen ah, Beer-Roobaadyo ayaa laga samaystay, markaa, in la beero oo la hagaajiyo, runtii wax tar ayay u noqon kartaa Dadka Xoolo-dhaqatada ah.




 waxaanannu ku hawlannahay oo aannu ka shaqayn doonnaa sidii aannu dadka wax u fahansiin lahayn.” ayey hadalkeeda raacisay Xildhibaan Kawsar Aw Cali Aw Timo-case.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email editor@gobanimonews.com




Xigasho qayb ka mid ah Waraysiyada Wargeyska Himilo..