Thursday, July 31, 2014

Wasiir Cakuuse “Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro Xilka Uu Hayo Waxaa Loo Doortay 2005, Waxay Kaga Eekayd 2010, Waxaa Layaab Leh…”


 Hargeisa (GNA) Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay la yaab tahay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo kursiga ku sii fadhiya muddo korodhsiimo aan ka yarayn xiligii dastuuriga ahaa ee la doortay, uu haddana ka hadlayo muddo kordhin aan wakhtigeediiba la joogin ee Madaxweynaha ay u hadhay halka sanno.Waxaana hadaladii kamid ahaa. “Guddoomiyaha golaha wakiilada, xilkuu maanta hayo waxaa loo doortay 2005 waxay kaga eekayd 2010, waxaa hadda lagu jiraa 2014 wuxuu markaas ku darsaday muddu xileed ku dhaw intii markii hore la doortay ee dastuuriga ahayd, waxaad ogtihiin Madaxweynaha Somaliland oo wali ku jira muddo xileedkiisi waxaa waliba u hadhsan hal-sanno, markaasu kii intaas oo jeer kororsaday muddu kordhin aan oolin ku eedaynayaa Madaxweyne muddu xileedkiisi ku jira, oo uu dhagaha dadka ka badiyay isaga iyo ku-xigeenadiisu iyagoo ku cel-celinaaya muddu kordhin ma ogolin, aadbaan uga xumahay.”




 




Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)




Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Waxaan si cad u sheegaya Xukuumadda way ka go-antahay inay doorasho wakhtigeedi qabato oo diyaariso wixii iyada ku xidhan dhinaceeda. Waxaa nasiib darro ahin dhalinyaraddii dalkan u kacaysay laysku dayo in loo abaabulo qaab qabyaladeed oo aan dalka hore u soo marin, iyadoo  ay Xisbiga Mucaaridku ka baydhayaan nidaamkii Xisbiyada  loo samaystay, qabyaladaas waxba ku heli mayaan wax kaga xumaada mooyiye, mana fiicna in shakhsi dalkan rajo kalihi sidaa u fekero oo uu caruur qabyaalad lagu kala qaybiyo kursi ku raadiyo”.




Wasiirku waxa kale oo uu naqdiyay qorshaha mucaaridku dalka ka abaabulaayaan ee ay ku doonayaan inay isku kaashadaan qaar ka mid ah beelaha dhexe ee Somaliland si ay u noqdaan beel-weyn. waxa uu arrintaasi ku sifeeyay dhaqan qabyaaladeed oo axsaabta mucaaridka ahi ku tallaalayaan jiilka cusub ee ka bad-qabay xanuunka qabyaaladda.




Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa.