Thursday, July 31, 2014

Lovren Oo Loo Diiday Dalku-galka ‘Visa” Maraykanka.


Ciyaaryahanka dhawaan ku soo biiray kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa garoonka Anfeild ku sugi doona ilaa inta ay Maraykanka ka soo noqonayaan xidigaha naadigiisa cusubi kadib markii xukuumada USA u diiday dalku galkii uu kaga qayb qaadan lahaa safarka kooxdu wadankaas ku joogto.




Lovren-oo-loo-diiday-620x360




Difaacyahanka reer Croatia oo heshiiska uu kaga soo wareegayay Southampton kuna imanayay Anfield uu soo gabo gaboobay Axadii todobaadkan, ayaa qalinka ku duugay heshiis mudo dheer uu kula joogayo Liverpool oo aan qiimihiisa la shaacinin.




 




Iyadoo ay tababare Brendan Rodgers iyo kooxdiisuba ku sugan yihiin Maraykanka kagana qayb galayaan tartanka naadiga dunida halkaas ku dhex maraya , ayaa la rajaynayay ciyaaryahan Lovren inuu ka daba tago , ciyaartiisii koowaadna u safto naadiga kulanka ay Arbacada caawa ah wada ciyaarayaan naadiga Manchester City.




 




Si kastabase ha ahaatee, laacibkan 25 jirka ah ayaa daboolka ka qaaday inay u suurtoobi weyday inuu kooxda ka daba tago, isla markaana uu kooxda dhalinyarada ah la sii tabbabaran doono inta ciyaaryahanadu soo noqonayaan oo ku beegan todobaad ka hor bilowga horyaalka Ingiriiska , isagoo ciyaartiisa ugu horeysaana noqon doonto mida saaxibtinimo ee ay wajahayaan Borussia Dortmund.




 




“Nasiib darro, Si degdeg ah waan ku helli kari waayay dalku galka ‘Visaha’,” ayuu ku yidhi jariidada Croatia ka soo baxda ee Sportske Novosti.




 




“Sidaas darteed, kuma biiri karo kooxdayda cusub inta ay Maraykan ku sugan yihiin. Arintaasna aadbaan uga xumahay.




“Waxaan la sii tabababaran doonaa kooxda 21 jirada ka yar ee Liverpool, Brendan Rodgers ayaa ii soo diri doona qorshaha aan ku sii tababaran doono.”