Sunday, July 27, 2014

Baaq ku wajahan Wasaarada Xanaanada Xoolaha.


Laf-dhabarka dhaqaalaha Somaliland waa xoolaha nool, taasi awgeed waxay mudanyiin in shacab iyo xukuumadba si fiican looga hawlgalo xanaanayntooda, suuq-gayntooda, ilaalinta dhulka ay ku dhaqanyiin iyo horumarinta qaabka dhaqashadooda .




Maalgaliyaasha iyo hawlwadeenada Sanduuqa Horumarin Somaliland aad iyo aad ayay u mahadsanyiin, runtiina waxay wadaan mashaariic horumarineed oo aad u wanaagsan isla-markaana dalka iyo dadkaba faaiidoyin badan u leh, balse  maal-mahanba waxa saxaafada iyo hadalhaynta dadwaynaha ku badnaa qaar ka mida mashaariicda ay dhawaan hirgalinayso Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) gaar ahaan kuwa seerayaasha Aroori, Qoolcaday, Gunburaha iwm.




Waxa wali maskaxda shacabka ku jirta dhibtii iyo shaqaaqadii ka dhacday banka Arroori iyo sidda aan wali xal kamadanbays ah loogu helin, waxa kasiiyaab badan in iyadoo aan la bogsiin nabaradii hore mid cusub laga bilaabo Banka Qoolcaday. Miyaa la iloobay taariikhdii iyo dhibtii hore uga dhacday waqtii Xukuumadii Mohamed  Siyaad Barre xidhay qaar ka mida Banankan?




Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaan si adag ugu dhaliilayaa qaabka ay uga hawl-gashay una maamushay mashaariicda seerayaasha dalka, Wasaaradu waxay dalka iyo dadkaba uga masuul tahay Xanaanaynta iyo horumarinta Xoolaheena dhankasta oo ay tahayba, waxase ceeb iyo sharaf darro ugu filan inay ku fashilanto kasbashada iyo fahanka dadka xoolalayda ah eek u dhaqan Bananka aan kor ku xusnay.




Horaa loo yidhi milil korka lagama dhayo, kulama iyo shirarka lagu qabanayo Huteelada Caasimada  iyo Magaaloyinka kale ee dalka laguna falanqaynayo mashruuca Seerayaasha  waxa ka muhiimsan in loo tago oo lala fadhiisto dadka xoolalayda ah ee degan Bananka si loogu sharxo loona fahansiiyo  mashruucu waxa uu yahay qaabka iyo cida ka faaiidaysanaysa iyo waliba cida iyo qaabka loo maamulayo, kadibna iyaga la  dhagaysto fikirkooda iyo waayo arragnimadooda arrintan si go,aan midaysan oo dhamaan dhinacyada oo dhan qanciya loo gaadho si sifo salmi ah hawsha lagu wada bilaabo taas ayaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo hawl-wadeenada  sanduuqa horumarinta Somaliland.




Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeelaynaya amniga iyo nabada dalka iyo dadka, kana dheeraadaan iska horkeenka bulshada xoola dhaqatada ah ee sanadaha badan nabada iyo xoriyada dhaqdhaqaaqa xoolahoda ku naaloonayay, Dhanka kalena ka dhawr sadaan waxkasta oo muran iyo sawir xun ka gudbinaya deeqaha mashaariicda loogu yabooho Somaliland.




Author: Bashe Ali Bedel                                                                  




 Email: basheali@outlook.com




Tell: 002522 634425224