Thursday, July 31, 2014

Somaliland oo Qiimaha Shidaalku kor u kacay iyo Dawladda oo Amar ku soo rogtay


Ilaa Lix kun oo Foosto oo qudha ayaa ku hadhay Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera...




 [caption id="attachment_92042" align="alignleft" width="300"]Mulkilaha Kalinta Shidaalka Mulkilaha Kalinta Shidaalka [/caption]Hargeysa(GNA)-Qiimaha Shidaalka (Patrol-ka) ayaa kor u kacay Somaliland dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay, siiba Patrol-ka oo ay Litre-kii ku kordhay lacag gaadhaysa 0.05 (1000 shls).




Sicir bararka ku yimi Shidaalka, ayaa ka dhashay kala go’ dhinaca Shidaalka Dibada ka yimaada oo sida la sheegay todobaadyadii ugu dambeeyay hakad ku yimi, kaddib la xidhay Suuqyadii ay Ganacsatada Somaliland shidaalka ka soo iibsan jireen.




“Patrol-ka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay Niman Ganacsato ah oo Shidaal Uruuris ah oo laga keeno wadamada Carabta sida Ciraaq iyo Iraan,  Shidaalkaasi waxa lagu uruurin jiray deked yar oo ku taala Imaraadka Carabta, waxaana wada shaqaysan jiray oo laga soo iibsan jiray Niman Carab ah iyo Soomaali, marka Nimankii waa la xidh-xidhay, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireena waa la xidhay, markaa halkaas ayaa shidaalka qaaligiisu ka yimi”ayuu yidhi Maxamed Sugule Axmed oo ah Mulkilaha Kaalinta Shidaalka ee Tawakal ee Magaalada Hargeysa  oo Gobanimonews u waramay.




Ganacsadahan ayaa intaas raaciyay inaanay wali Shirkaddaha Shidaalka soo dejiyaa helin suuq kale oo ay ka soo iibiyaan Shidaal cusub, isla markaana wadahadalo u socdaan Shirkaddo Caalami ah oo ay ka mid tahay Shirkadda OPEC oo ah mid caalami.




 “Shanta Litre waxa ku kordhay Nus dollar (0.5), tobankii Litre waxa ku kordhay $1”ayuu yidhi Ganacsade Sugule, waxaanu intaasi raaciyay “ hadii Shidaal cusub oo kaa Ikshoranka ku jira ah  la keeno lafteeda waxa khasab noqonaysa inuu qiimuhu yara kordho, waayo Geeska Afrika waxa aynu nahay dalka ugu jaban xaga Shidaalka, Itoobiya iyo Djiboutiba way inaga qaalisanyihiin”.




“korodhkani wuxuu ka yimi xaga Shirkadaha Shidaalka soo dejiya oo kordhiyay qiimaha, foostadiina waxa ku kordhay  11 Dollar lacag gaadhaysa”ayuu yidhi Ganacsaduhu.[caption id="attachment_92041" align="alignleft" width="300"]Kaalmaha Shidaalka Kaalmaha Shidaalka[/caption]




Kor u kaca Sicirka Shidaalka ayaa saameyn ku yeeshay  dadka Gaadiidleyda ah, kuwaasoo uu qiimaha kordhay fuulay.




“20 Litre ayaan ku shubtay Gaadhiga waxaana layga qaaday $22 , halka markii $20”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Faysal oo ka mid ah Gaadiidleyda reer Hargeysa.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda iyo Shirkaddaha waaweyn ee soo dejiya Shidaalka, hase ahaatee Ganacsatada ayaa sheegay inay dawladdu amar ku bixisay in “ markii ay arrintani dhacday dawladda ayaa soo faro gelisay oo tidhi waa in la tashiilaa  Patrolka yaalla ee ku hadhay Kaydka, waxay yidhaahdeen maalintii 200 Litre haka baxeen oo maalinta kaalin hala siiyo. Waxaana shidaalka Kaydka ku jira iminka iska leh hal shirkad oo qudha, sidaasay markaa dawladdu Tashiilka u gelisay”sidaas ayuu yidhi Ganacsade kale oo ka waramay Sicir bararka Shidaalku.




Sicirka Shidaalka ayaa dhowr jeer oo hore isbedel ku yimi Somaliland, waxaanu inta badan yimaadaa sicir bararkasi marka uu shidaalku yaraado, taasoo aanay dawladdu  xakamayn si aanay saameyn ugu yeelan bulshada.




Kor u kaca Sicirka Shidaalka ayaa saameeya Gaadiidka Dadweynaha, Shirkaddaha Korantada bixiya iyo dhamaan waxyaabaha Tamarta Shidaalka ku shaqeeya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com